Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey, in afar ciyaartoy oo kooxdiisa ah ay ka maqnaan doonaan kulanka Sabtida ee Brighton, hase yeeshee waxa uu war farxad leh la wadaagay jamaahiirta kooxdiisa oo uu u sheegay in saddex ciyaartoy oo uu shaki ku jiray ay usoo laabteen, inkasta oo uu qiray in ay dhaawacyo fudud qabaan.
Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield kusoo dhoweyn doonta Brighton iyadoo raadinaysa guushii saddexaad ee xilli ciyaareedka, iyadoo Jurgen Klopp ay kooxdiisa ka baaqdeen kulamadii Wolves iyo Chelsea sabab la xidhiidha boqoraddii geeriyootay ee Queen Elizabeth II.
Andy Robertson, Curtis Jones, Naby Keita iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo muddo dhwaac ku maqnaa, ayaan taam u ahayn kulanka Brighton, waxaana KLopp oo ka hadlayay uu yidhi: “Andy Robertson wuu fiican yahay, waxayna u egtahay in aanu muddo dheer maqnaanayn. Mar horeba wuxuu bilaabay inuu ordo, waana calaamad wanaagsan, laakiin ma hubo haddii uu usbuuca dambe ama dhamaadka atoddobaadka uu diyaar noqonayo.”
Kulamadii caalamiga ahaa ee toddobaadkan ayaa waxa Liverpool kaga dhaawacmay Diogo Jota, Darwin Nunez iyo Luis Diaz oo dhamaantood ka maqnaa tababarkii Khamiistii, has eyeeshee Jurgen Klopp waxa uu caddeeyey in ay fiican yihiin inkasta oo aanay tababarka qaadanin.
“Diaz iyo Jota? Waxay kasoo laabteen kulamadii caalamiga ahaa, kaddib duullimaadyo waqti dheer ah, walina ma aanan arag, balse waxa aan maqlay in ay fiican yihiin.
“Darwin wuxuu seegay tababarkii Khamiistii sababtoo ah dhaawac fudud oo aanu ka taxadaraynay, sidaas oo kalena waxa ah Diogo.”