Miyey Arsenal Horyaalka Ku Tartami Karaysaa Xilli-ciyaareedkan? – Arsene Wenger Oo Bixiyey Jawaab Ka Farxisay Jamaahiirta Gunners

Wenger

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisa hore mar la weydiiyey haddii ay Gunners awood u leedahay in ay ku tartanto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan si fiican iyaga oo toddoba kulan oo ay dheeleen badiyey lix ka mid ah, waxaanay hayaan hoggaanka horyaalka iyadoo Manchester City iyo Tottenham oo kusoo xiga min hal dhibic ka horreeya, halka Liverpool na ay sagaal dhibcood u dhexeeyaan.

Arsene Wenger oo saddex horyaal oo Premier League ah u qaaday Arsenal muddo 22 sannadood ah oo uu maamulayay, ayaa waxa uu sheegay, in kooxda Arteta ee uu hadda arkayo ay sannadkan ku tartami karayaan ku guuleysiga horyaalka, waxaanu yidhi: “Waxay haystaan fursad fiican oo ay ugu tartami karayaan horyaalka xilli ciyaareedkan, sababtoo horyaalka kuma arkayo koox awood xad-dhaaf ah soo bandhigaysa.

Advertisements

‘Waxa aan rumaysanahay in ay jirto fursad fiican oo ay haystaan xilli ciyaareedkan. Dabcan, xilli ciyaareedkani waa mid cajiib ah sababtoo waxa badhtamihiisa soo gelaya Koobka Adduunka, mana garanayo sida ay taasi u saamayn doonto bandhigga shaqsiyaadka iyo kooxaha. Waxa intaa dheer, waan rumaysanahay in ay jirto fursad fiican sannadkan.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada