Taageerayaasha Manchester United ayaa aad u careysan ka dib markii si hoose loo soo dusiyay maaliyadooda martida ee xilli ciyaareedka soo socda ee 2023-24.
Shayaadiinta Cas Cas waxay ku ciyaaraan midabka casaanka ah kulamada martida loo yahay halka ay ku ciyaaraan caadiyaan maaliyad cadaana ama madow ah kulamada ay martida yihiin.
Xilli ciyaareedkan maaliyadooda martida waaa mid cadaan ah oo leh xariiqmo madow taasoo ay aad u jeclaadeen taageerayaasha.
Si kastaba, nashqad cusub ayaa loo sameeyay maaliyada martida ee xilli ciyaareedka soo socda sida ay soo bandhigtay FootyHeadlines oo si qarsoodi ah mar walba u hela maaliyadaha cusub ee kooxaha.
Man United waxay ku ciyaari doontaa maaliyad ka sameysan xariiqmo waa weyn oo cagaar madow xigeen ah iyo cadaan, halka caalamada shirkada sameyneysa ee Adidas iyo astaantooda seddexda xariiqmood ay noqon doonto casaan.
Astaanta kooxda ayaa iyadana lagu dhejin doonaa bartamaha maaliyada, laakiin taageerayaasha kuma faraxsana nashqadaan.
Taageere ayaa ku tilmaamay inay tahay mid foolxumo badan halka midka kale uu ku baryootamay: “Fadlan sidaan ka daaya.”
Kuwa kale ayaa ku dooday in maaliyadaan ay xusuusineyso maaliyada ay caanka ku tahay Newcastle iyagoo aaminsan in cagaarka madow xigeenka ah uu xaqiiqan yahay madow saafi ah.
Taageere ayaa soo qoray: “Ma waxaan isku dayaynaa inaan noqono Newcastle United? Waa maxay waxa kan”
Mid kale ayaa yiri: “Waxbaa ka maqan. Waxay igula muuqataa inay ka maqan tahay astaanta Newcastle.”
Mid seddexaad ayaa yiri: “Miyaan heleynaa lacagta Newcastle mar haddii aan isku dayayno inaan iyaga u ekaano?”
Mid kale ayaa soo qoray: “Maaliyadaan Newcastle indhaheyga ka hor leexiya sida ugu dhakhsiyaha badan.”