Miyay Kabtan Odegaard Iyo Zinchenko Diyaar U Yihiin Kulanka North London Derby Ee Tottenham? Akhriso Xogihii Ugu Dambeeyay

Waxa xogo cusub laga helayaa xaalada dhaawacyada xiddigaha kooxda Arsenal ee Martin Odegaard iyo Oleksandr Zinchenko kahor kulanka North London Derby.

Zinchenko ayaa seegay kulankii Arsenal toddobaadkan guusha 3-0 ah kasoo gaadhay dhigeeda Brentford halka Odegaard uu isaguna isla ciyaartaas ku seegay jug soo gaadhay kulanka kahor.

Zinchenko ayaa saddex kulan ka maqnaa Arsenal kahor inta uusan soo laaban kulankii ay guuldarrada 3-1 ah kasoo gaadhin Manchester United isaga oo ku dhibtoonaya dhaawac kubka ah.

Advertisements

Sida uu sheegayo wargeyska The Metro, Gunners ayaa helaya war wanaagsan waxaana la filayaa inay labada ciyaaryahanba kusoo noqdaan safka kooxda kahor kulanka kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Tottenham.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedka qaab wanaagsan ku bilaabatay kaddib lix guulood oo ay ka heshay toddoba kulan oo ay ciyaareen iyagoo min hal dhibic hoggaanka kaga haya Tottenham iyo Arsenal.

Guul ay gaadhaan kulanka Spurs ayay si kumeel gaadh ah ugu yaraan afar dhibcood hoggaanka ugu sii dheeraysan doonaan halka guuldarro ay la kulmaan hoggaanka lagagala wareegi doono.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada