Kabtanka xulka Netherlans ee Virgil Van Dijk ayaa wax laga weydiiyay haddiiba uu filanayo in xulka Argentina ee Koobka aduunka ka reebay ku guuleysan doono tartankaas.
Habeen hore ayuu dhacay kulan lagu sifayn karo midkii ugu xiisaha badnaa tartanka oo dhex maray Oranje iyo La Albiceleste, xulka Messi horkacayay oo 2-0 ku hormaray ayuu xulka ree Yurub labada goolba ka daba keenay.
Ugu dambayn rigoorayaal ayay guushu ku raacday Argentina iyadoo Van Dijk ahaa midka rigooraha koowaad ee Netherlands laga badbaadiyay.
VVD oo kulanka kaddib wax laga weydiiyay haddii uu filanayo in Argentina ku guuleysan doonto Koobka aduunka ayaa si cadho leh uga jawaabay “Waxba igama gelin, dib uma daawanayo (Tartanka)”.
Kulanka ayaa ahaa mid dagaalo badani ku dhex mareen xiddigaha labada xul, Van Dijk ayaa mar la arkay isaga oo dhulka ugu tuuraya khadka dhexe ee Argentina ee Leandro Paredes oo kubadda ku laagay xiddigaha keydka u fadhiyay Holland.
Sidoo kale xiddigaha labada xul ayaa la arkayay iyaga oo hadalo kulul is-dhaafsanaya xataa markii garoonka laga baxay ee qolalka labiska lagu sii socday.
Intaas waxa dheer in xataa Lionel Messi oo aan looga baran fawdo uu kulankaas qas badan ka sameeyay isagoo ka cadhaysnaa tababare Louis Van Gaal oo hadalo badan ku yasay Argentina.