Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Midkee Awood Badan Xulalka Brazil & France? – Diego Forlan Oo Sharraxay Midka Fiican Ee Awoodda U Leh Inuu Ku Guuleysto Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 3, 2022
0
Midkee Awood Badan Xulalka Brazil & France? – Diego Forlan Oo Sharraxay Midka Fiican Ee Awoodda U Leh Inuu Ku Guuleysto Koobka Adduunka

Halyeygii xulka qaranka Uruguay iyo kooxaha Manchester United, Villarreal iyo Atletico Madrid ee Diego Forlan ayaa sharraxay sida ay u kala awood badan yihiin labada xul ee France iyo Brazil oo safka hore kaga jira dalalka loo saadaalinayo inay ku guuleysanayaan Koobka Adduunka ee ka socda Qatar.

ADVERTISEMENT

Brazil iyo France ayaa usoo gudbay wareegga 16ka Koobka Adduunka, waxaanay ku kala dhaceen South Afrika iyo Poland, hase yeeshee jidka loo marayo finalka ayaa ah mid adag oo waddan walba looga baahan yahay nasiib iyo inuu soo bandhigo awooddiisa ugu sarraysa.

Diego Forlan oo xulka qarankiisa Uruguay hoggaaminayay Koobkii Adduunka 2022, ayaa daawade ka ahaa qarankiisa oo sannadkan ku hadhaya wareegga koowaad ee group-yada.

Waraysi ayuu siiyey wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Fransiiska, waxaana la weydiiyey midka wanaagsan labada dal ee Brazil iyo France oo mid walba dhinaciisa ay dhaawacyo u ragaadiyeen, isla markaana xiddigo muhiim ah ay ka baxeen intii uu socday tartanka Koobka Adduunku.

ADVERTISEMENT

Diego Forlan oo ka jawaabayay su’aal ahayd midkee xooggan Brazil & France ayaa yidhi: “France ayaa woxoogaa ka xoog badan Brazil. Xataa waxay si fiican ugu qalabaysan yihiin inay ku guuleystaan Koobka Adduunka.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Forlan ayaa waxa kale oo uu magacaabay ciyaartoyda uu haysto xulka France ee awoodda u leh inay u hoggaamiyaan Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: “Waxay haystaan ciyaartooyo tayo leh, sida Mbpape, Griezmann, Giroud, Camavinga iyo xataa tababare Deschamps.”

ADVERTISEMENT
Share383Tweet240
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.