Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Micnaha Ka Danbeeya Xariga Cas Ee Lionel Messi Uu Lugta Ku Xirtay Oo La Sharaxay

by Saed Mohamed
December 19, 2022
0
Micnaha Ka Danbeeya Xariga Cas Ee Lionel Messi Uu Lugta Ku Xirtay Oo La Sharaxay

Lionel Messi ayaa lugta ku xirtay xarig casaan ah oo uu u arko inay tahay nasiib wanaag isagoo wadankiisa u qaaday Koobka Adduunka markii ugu horeysay muddo 36 sannadood ah.

ADVERTISEMENT

Koobkii Adduunka ee Ruushka lagu qabtay sannadkii 2018, Joornaaliistaha reer Argentina Rama Pantarotto ayaa siiyay Messi xariga xasaan ah ka dib markii uu halyeeyga Barcelona seegay rigoore kulankii Iceland. Wuxuu u sheegay in xariga ay iska leedahay hooyadiis.

“Hooyadeey waxay ku jeceshahay in ka badan inta ay aniga i jeceshahay, waxaan sitaa xarigeeda casaanka si uu nasiib wanaag iigu noqdo, haddii aad rabto waan ku siin karaa” ayuu joornaaliistaha ku yiri waqtigaas Lionel Messi.

Panaretto ayaa mooday in kastoo Messi uu aqbalay inuu iska tuuri doono. Laakiin wuxuu farxad markii uu arkay Messi oo lugta ku xirtay ka dib goolkii uu ka dhaliyay Nigeria kulankii ugu danbeeyay ee wareega guruubyada.

ADVERTISEMENT

“Hooyo… Messi wuu xirtay” ayuu ku qeyliyay Pantarotto oo muuqaal ka duubayay hooyadiis markii uu arkay Messi oo xiran xariga casaanka ah.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

Wixi waqtigaas ka danbeeyay Messi ay jelcaaday fekerka ah in xariga casan uu yahay mid nasiib wata, wuxuuna xarig casaan ah siiyay Philippe Coutinho markii uu ku dhibtoonayay Barcelona sannadkii 2019kii.

Xiddiga reer Brazil ayaa xarigaas xirnaa xitaa markii uu u saxiixay Aston Villa. Ciyaartooy badan oo Argentina ah ayaa la arkay iyagoo xiran xariga casaanka ah ee nasiibka lagu sheegay.

Dabcan Messi iskama dhiibin xarigii la siiyay laakiin xarigyo kale oo u muuqaal eg ayuu u qeybiyay asxaabtiisa sida uu sheegay Paulo Dybala oo isna xarigaas ka helay Messi ka hor inta uusan goolkiisii ugu horeysay u dhalinin Argentina.

Screenshot 2022 12 19 130734

ADVERTISEMENT

Goolhaye Emi Martinez ayaa isna gacanta ku xirtay xariga casaanka ah ka hor inta uusan rigoore ka badbaadinin Coman islamarkaana uusan Tchouameni ku qasbin inuu rigoorada banaanka mariyo.

Laakiin Messi ayaa caado ka dhigtay inuu xarigaas lugta ku xirto mar kasta uu ciyaarayo kulamada muhiim ah sida kulankii finalka ee uu hantay Koobka Adduunka.

Share699Tweet437
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.