Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Messi vs Mbappe: Riyadii Sheekha Qatar Ee Koobka Adduunka Oo Rumowday

by Abdiwahab Ahmed
December 15, 2022
0
Messi vs Mbappe: Riyadii Sheekha Qatar Ee Koobka Adduunka Oo Rumowday

Axadda waxay noqon doontaa maalin ay rumoobayso riyo weyn oo uu lahaa Sheekha Qatar. Waxa uu kulmin doonaa saddex arrimood oo uu muddo dheer ku taamayay.

ADVERTISEMENT

Markii ay Faransiisku 2-0 kusoo garaaceen  Morocco ee ay finalka kula ballameen Argetnina oo magaalada Doha ay Koobka Adduunka ku kala qaadi doonaan Axadda, waxa Shekh Tamim binHamad Al Thani uu la dhacay farxad isaga oo dareemay inay u rumowday riyadiisii.

Waxa uu Sheekhu muddo ku taamayay, in dalkiisu martigeliyo Koobka Adduunka iyo in labada xiddig ee  Kylian Mbappe iyo Lionel Messi ay finalka iskaga hor yimaaddaan. Labadan xiddig ayaa u wada ciyaara PSG oo ay iska leeyihiin qoyska boqortooyada Qatar.

Sannadkii 2005, waxa Tamim bin Hamad Al Thani  uu sameeyey furfurnaan iyo in da’yarta lagu soo jeediyo kubdda cagta. Waxa la aas-aasay shirkadda Qatar Sports Investment, waxaana toddoba sannadood kaddib ay iibsadeen kooxda horyaalka Faransiiska ee PSG. Tamim bin Hamad Al Thani ayaa 70% iska leh PSG, waxaana u maamula Nasser Al-Khelaifi.

ADVERTISEMENT

Waxa kale oo Qatar ay martigelisay dhacdooyin ciyaareed oo badan, ka hor intii aan lasoo gaadhin martigelinta Koobka Adduunka 2022.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023

Nasser Al-Khelaifi oo isticmaalaya magaca Al Thani, waxa uu yahay madaxweynaha PSG waxaana uu kooxdiisa ku haystaa xiddigo waaweyn sida Neymar, Mbappe iyo Messi, iyadoo labada dambe ay hadda yimaaddeen finalka iyaga  oo iska soo horjeeda, kuna ciyaaraya waddanka iska leh kooxdooda PSG ee Qatar.

Koobka Adduunka ee sannadkan, waxa uu ahaa midhaha mashaariico muddo sannado ah uu soo waday Tamim bin Hamad Al Thani  oo ugu dambayntii guushiisa la arkayo. Shirkaddii Qatar Sports Investment ee uu sameeyey, waxa xiddigihii ay iibsatay ee PSG uga ciyaarayay ay hadda sare u qaadeen magaca iyo sumcadda dalkiisa Qatar, sidoo kalena waa xiddigaha Axadda ku dagaallamaya koobka uguqiimaha badan dunida.

Si kastaba ha ahaatee, Messi vs Mbappe iyo finalkii Koobka Adduunka oo lagu ciyaarayo Qatar waxay ka dhigan tahay in ay rumowday riyadii Tamim bin Hamad Al Thani.

ADVERTISEMENT
Share385Tweet241
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.