Safarka Arsenal ugu tegayso Manchester City wareegga afraad ee FA Cup ayaa la ciyaari doonaa maalin Jimce ah oo waqti dambe ay taageereyaashu iska xaadirin doonaan garoonka Etihad Stadium, sida uu shaacieyy telefishanka ITV ee haysta xuquuqda tartankan.
Pep Guardiola ayay kooxdiisu soo dhoweyn doontaa Arsenal habeenka Sabtidu soo gelayso ee January 27, waxaana halkaas mar kale ku kulmi doona macallimiinta reer Spain ee Guardiola iyo Mikel Arteta, iyadoo ciyaartuna bilaabmi doonta 11-ka fiidnimo waqtiga Geesika Afrika.
Arsenal oo kulamadeeda North London Derby uu xuquuqdiisa leeyahay telefishanka BBC Sports ayaa toddobaadkan imtixaan adag kusoo maraysa Tottenham Hotspur Stadium, halka Manchester City ay kulan aad loo sugayo marti ugu noqon doonto Manchester United oo ay ugu tegayso Old Trafford.
Ciyaarta kale ee adag ee wareegga afraad ee FA Cup ayaa waxay u dhaxaysaa Brighton oo waajihi doonta Liverpool iyo Wolves midkooda soo gudba, halka Manchester United ay iska hor iman doonaan Reading.
Saddex maalmood oo isku xiga ayaa la ciyaari doonaa, waana Jimcaha, Sabtida iyo Axadda oo ah January 27 illa January 29.
Halkan kaga bogo waqtiga la ciyaarayo kulamada wareegga afraad ee FA Cup
Friday 27 January
Man City vs Arsenal, 11pm – ITV1
Saturday 28 January
Preston vs Tottenham, 9pm – BBC One
Manchester United vs Reading 11pm – ITV4
Sunday 29 January
Brighton vs Liverpool/Wolves, 4:30pm – ITV1
Wrexham vs Sheffield United, 7:30pm – BBC One
Monday 30 January
Derby vs West Ham, 10:45pm – ITV4