Cristiano Ronaldo ayaa kaddib mudo uu koox la’aan ahaa koox cusub yeeshay isagoo ka qayb noqday Al-Nassr, kooxda ree Saudi Arabia ayaa doonaysay inay saxeexiisa shaaciso kahor 2023 waxayna ku dhawaaqeen Jimcihii.
Cristiano ayaa heshiis laba sano ah ugu biiray Al Nassr isagoo qalinka ku duugay heshiis qaali ah oo uu 500 Milyan oo euro ku qaadan doono mudadaas.
Sida lagu sheegay muuq-baahiyaha caanka ah ee Arriyadiyah, Ronaldo ayaa Isniinta berri ah bilaaban doona safarkiisa Al-Nassr isagoo u safraya magaalada Al Riyadh.
Ronaldo ayaa kulankiisa koowaad ee kooxdiisa cusub ciyaari kara saddex maalmood kaddib kulanka ay 5ta bisha January la ballansan yihiin Al-Tai.
Al Nassr ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee 2022 xalay ciyaartay balse Ronaldo ayaa wali jooga magaalada Madrid oo uu qoyskiisa kula sugan yahay.
Taariikh kale oo muhiim ah ayaa ah 19-ka bishan maanta bilatay ee January markaas oo uu Ronaldo kahor tagi karo Lionel Messi kulan ay PSG la ciyaari doonto isku-dhafka kooxaha Al Nassr iyo Al Hilal.