Xulalka France iyo Morocco ayaa noqday xulalkii ugu danbeeyay ee u soo gudba wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka ka dib markii ay maanta ka soo talaabsadeen xulalka England iyo Portugal.
France waxay 2-1 ku garaacday England halka Morocco ay 1-0 ku dubatay xulka Portugal.
France iyo Morocco waxay haatan isku arki doonaan semi-finalka Koobka Adduunka iyadoo France ay tahay xulka difaacanaya koobka halka Morocco ay tahay xulkii ugu horeeyay ee Afrika ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka.
France iyo Morocco waxay ciyaari doonaan maalinta Arbacada Saacada Geeska Afrika marka ay 10pm ama saacada GMT marka ay tahay 7pm.
Kulanka kale ee semi-finalka waxaa iska horimaan doona xulalka Croatia iyo Argentina oo soo kala reebay xulalka Brazil iyo Netherlands.
Croatia iyo Argentina waxay ciyaarayaan maalinta Talaadada Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 10pm ama saacada GMT marka ay tahay 7pm.
Kulanka kaalinta 3aad waxaa la dheeli doonaa Sabtida 17ka Disember halka finalka la ciyaari doono maalinta Axada ee 18ka Disember.
Semi-finalka Koobka Adduunka
Talaado 13ka Disember
Argentina vs Croatia (10pm Saacada Geeska Afkrika)
Arbaco 14ka Disember
France vs Morocco (10pm Saacada Geeska Afkrika)
Kulanka kaalinta sedexadad maxa kawdaa bro