Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Mbappe Wuxuu Kaa Caydhin Doonaa….” – Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Qaab Kaftan Ah Ugu Digay Lionel Messi

by Apdihakem Omer Adam
December 15, 2022
0
“Mbappe Wuxuu Kaa Caydhin Doonaa….” – Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Qaab Kaftan Ah Ugu Digay Lionel Messi

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa baraha bulshada fariin digniin ah kula kaftamay kabtanka Argentina ee Lionel Messi kahor Finalka koobka aduunka ee Axada ka qabsoomaya dalka Qatar.

ADVERTISEMENT

Jamaahiirta ayaa ku kaftamay in kulankaas uu Messi halis ugu jiro ama inuu dhantaalo sumcada uu kaga tagi lahaa kubadda cagta amaba inuu kooxdiisa waayo.

France ayaa xalay kasoo gudbay Morocco oo ay guul 2-0 ah ka gaadheen iyagoo Finalka koobka aduunka kula ballamay Argentina oo habeen hore 3-0 kaga adkaatay Croatia.

Labada xul ayaa koob aduunkii hore ee 2018 ku kulmay wareega 16-ka waxaana markaas guul 4-3 ah gaadhay Les Bleus oo ugu dambayn koobka ku guuleystay.

ADVERTISEMENT

Taageerayaasha barta Twitter-ka isticmaala ayaa ku maadsaday Messi oo ay kula kaftameen in Mbappe PSG ka caydhin doono haddii ay Argentina koobka kaga guuleysato France.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Xagaagii ayay ahayd markii Paris oo ay Messi ka wada tirsan yihiin ay Mbappe siisay heshiis awood badani ula socota oo uu go’aamada qaar kooxda u yeedhin karo.

Halkan Ka Akhriso Faalooyinka:

“Waxay noqon doontaa mid xiiso leh marka Argentina ku guuleysato Finalka Axada ee Mbappe isla Isniinta PSG ka caydhiyo Messi”

“Haddii uu Messi ka adkaado France, Mbappe hubaal wuu ka caydhinayaa PSG”

ADVERTISEMENT

“Wuxuu u wacan karaa Piers Morgan (Saxafigii Ronaldo waraysiga dhawaan ka qaaday) si uu uga qaado waraysi uu Messi iyo Neymar xaalad degdeg ah ugu eryayo”

Share357Tweet223
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.