Goolhayaha xulka Argentina ee Emiliano Martinez ayaa dood furay kahor Finalka koobka aduunka ee maanta isagoo duray da’yarka hormoodka u ah xulka ay is hor fadhiyaan ee France.
Hadalka uu Martinez ka daba tagay ayaa ah mid toddoba bilood kahor kasoo yeedhay Mbappe oo uu ku sheegay in kubadda cagta lagu ciyaaro wadamada South America aysan u horumarsanayn sida mida Yurub.
Martinez ayaa sheegay in Mbappe uusan wax badan ka fahamsanayn kubadda cagta maadaama oo uusan kasoo ciyaarin South America.
“Isagu wax badan kama garanayo kubadda cagta, isagu waligii kama ciyaarin South America. Marka aanad khibradaas lahayn malaha waxa fiican inaanad ka hadal balse muhiim maaha, waxaanu nahay xul weyn oo in badan la aqoonsan yahay” ayuu yidhi Emi.
Mbappe ayaa sheegay in xulalka France markasta heer sarre ka ciyaaraan balse Argentina iyo Brazil oo uu gaar usoo hadal qaaday aysan kubad heerkaas oo kale ah ku ciyaarin South America.
Lionel Messi qudhiisa oo hore hadalkaas Mbappe wax laga weydiiyay ayaa yidhi “Marar badan Spain ayaanu kaga wada hadalnay arrintaas”.
“Marka aanu kulamada isreeb-reebka kasoo noqono waxaanu u sheegi jirnay ‘Ma garanaysaan sida ay idiinku adkaan lahayd inaad koobka aduunka usoo baxdaan hadaad halkaas tagtaan, idinkoo jooga dhul kulul, idinkoo jooga Venezuela”.