Ciyaartoyda Portugal ayaa aaminsan aragti muran dhalisay oo la xiriirta in FIFA ay Koobka Adduunka la dooneyso Lionel Messi iyo Argentina ka dib markii riyadoodii koobka la soo gabagabeeyay xalay.
Ka hor kulankii wareega sideed dhamaadka ee Morocco, Portugal ayaa loo arkayay inay ugu cadcadahay inay u gudubto wareega afar dhamaadka.
Si kastaba qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigtay in gool uu madaxa ku dhaliyay weeraryahanka Sevilla Youssef En Nesyri ayaa sababay in Portugal koobka laga reebo.
Ka dib ciyaarta, ciyaartoyda Portugal ayaa ku weeraray FIFA go’aanka ay garsoore Argentina u dhashay ugu dhiibeen ciyaarta.
Daafaca Pepe iyo xiddiga khadka dhexe Bruno Fernandes ayaa sheegay in FIFA ay dooneyso in Argentina ay ku guuleysato koobka.
Pepe ayaa yiri: “Waa wax aan la aqbali karin in kulankii maanta loo dhiibay garsoore Argentina u dhashay ka dib wixii dhacay shalay.
“Cabashadii Messi iyo hadalkii Argentina. Ma oranayo way isla socdaan laakiin maxaan ciyaarnay qeybtii labaad? Waxba.
“Goolhayahooda mar walba ciyaarta ayuu joojinayay, kaliyana sideed daqiiqo ayaa lagu daray ciyaarta.
“Ka dib wixii aan arkay maanta, waa inay haatan koobka iska siiyaan Argentina.”
Bruno Fernandes ayaa isna hadalkiisa raaciyay: “Waan ognahay sida ay u shaqeyso… ciyaarta ka hor ayaan sii ogeyn waxa ina hortaagan iyo nooca garsoore ee aan la kulmi doono.
“Ma garanayo haddii ay doonayaan inay koobka siiyaan Argentina. Waxba igama galin, waxaan oranayaa waxa maankeyga ku jira. Waa wax qariib ah inuu garsoore u dhashay wadan weli tartanka ku jira uu inaga garsoore inoo noqdo, sida iska cad way inaga hiileyeen.”
FIFA ayaa weli laga sugayaa waxa ay ka oran doontaa eedeymahaan iyo haddii ay ku ganaaxayaan xiddigahaan eedeeyay dhexdhexaadnimada garsooraha.