Laura oo ah xaaska uu qabo xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard ayaa farxad is-celin weyday markii uu laacibkani tijaabada caafimaadka umaray Arsenal maanta oo Jimce ah, iyadoo xalayna ay labada kooxood ee Gunners iyo Brighton & Hove Albion ay ku heshiiyeen in ay £27 milyan oo Gini ku kala iibsadaan.
Trossard oo 28 jir ah ayaa ku biiraya Arsenal oo uu u noqonayo saxeexii koowaad ee suuqa bishan January, iyadoo waayihiisa Brighton uu kusoo dhamaaday khilaaf u dhexeeyey isaga iyo tababare Roberto De Zerbi oo labadii kulan ee ugu dambeeyey aan kusoo darin liiska kooxdiisa.
Tijaabada caafimaadka ayuu maanta si buuxda uga gudbay, waxaana uu qalinka ku duugayaa heshiis afar sannadood ah oo Arsenal siinaya sannad kale oo shanaad oo dookh ah.
Markii uu baadhitaanka caafimaadka maray ayay Laura Hilven oo ah xaaska xiddigan ay farxad is-celin kari wayday, waxaanay dabbaal-deg ka samaysay baraha bulshada oo ay soo dhigtayiyadoo uu Trossard xidhan yahay garanka Arsenal.
Qoraal ayay soo raacisay sawirka Trossard ee ay Instagram soo dhigtay, waxaanay ku tidhi: “Aniga ninkaygu waa kaas.”
Lamaanahan ayaa is-guursaday sannadkii 2019 oo ahayd sannadkii uu laacibkani u wareegay Brighton, waxaana muddadii ay is-qabeen ay isku dhaleen wiil lagu magacaabo Thiago oo shan jir ah.
Trossard ayay Arsenal la saxeexatay markii ay Chelsea ka afduubatay weeraryahanka reer Ukraine ee Mykhailo Mudryk, waxaana sidoo kale la filayaa inuu fure u noqdo saxeexyo kale oo ku xigi doona, iyadoo haddaba ay Gunners qarka u saaran tahay Jakob Kiwior oo difaaca uga ciyaara xulka qaranka Poland.