Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Maxay Messi Iyo Asxaabtiisa Argentina U Caayeen Ingariiska Markii Ay U Dabaaldegayeen U Soo Bixitaankooda Finalka Koobka Adduunka?

by Saed Mohamed
December 14, 2022
0
Maxay Messi Iyo Asxaabtiisa Argentina U Caayeen Ingariiska Markii Ay U Dabaaldegayeen U Soo Bixitaankooda Finalka Koobka Adduunka?

Ciyaartoyda xulka Argentina ayaa ku heesay hees ay ku aflagaadeynayaan Ingariiska iyagoo tixraac ka dhigaya dagaalkii jasiirada Falklands ka dib markii ay garaaceen Croatia oo ay u gudbeen finalka Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Xulka Argentina ayaa guul raaxo leh oo 3-0 ah ka gaaray Croatia iyagoo buukuntay booskooda finalka ee maalinta Axada.

Rigoore uu dhaliyay Lionel Messi iyo labo gool uu dhaliyay weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez ayaa ka caawisay Argentina ay finalka ku sugaan midkood France ama Morocco.

Guushooda waxay keentay inay si weyn ugu dabaaldegaan garoonka Lusail Stadium iyadoo Messi iyo asxaabtiisa ay heeso la qaadayaan taageerayaasha.

ADVERTISEMENT

Tababare Scaloni ayay kaamirada qabatay isagoo farxad la ooyay halka Messi uu laabta geliyay. Dabaaldegooda waxay sii wadeen markii ay gaareen qolka labiska.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Daafaca Nicolas Otamendi ayaa Instagram soo dhigay sida ay ciyaartoyda xulka ugu dabaaldegeen inay gaareen finalkoodii ugu horeysay tan iyo 2014kii markaasoo koobka ay ka qaaday xulka Jarmalka.

Heesaha ay Messi iyo asxaabtiisa Argentina ku qaadayeen qolka labiska waxaa ka mid ahaa mid ay ku aflagaadeynayeen dalka Ingariiska iyagoo ku heesayay”f***ing English”.

Sababta ay ciyaartoyda Argentina u aflagaadeynayeen Ingariiska ayaa ah in dowlada Ingariiska ay ka heysato jasiiradaha Islas Malvinas oo uu Ingariiska u yaqaano Falkland Islands.

Labada dal ayaa jasiiradaha ku dagaalamay sannadii 1982kii, marnaba Argentina ma ilaawaan in Ingariiska uu heysto qeyb ka mid ah dhulkooda, waana sababta ay ciyaartoyda xulka Argentina dabaaldegooda ugu aflagaadeynayeen Ingariiska.

ADVERTISEMENT

Waxay sidoo kale ku maadsadeen xulka Brazil oo ku baxay gacanta xulkii ay iyagu reebeen ee Croatia.

Argentina ayaa dooneysa inay hanato Koobka Adduunka markii ugu horeysay tan iyo 1986kii.

Share581Tweet363
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.