Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin? Pochettino Oo Sharraxay Farqiga U Dhexeeya Kylian Mbappe Iyo Harry Kane Ka Hor Ciyaarta England vs France

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
Maxay Ku Kala Duwan Yihiin? Pochettino Oo Sharraxay Farqiga U Dhexeeya Kylian Mbappe Iyo Harry Kane Ka Hor Ciyaarta England vs France

Mauricio Pochettino waa tababaraha kaliya ee nasiibka u yeeshay inuu layliyo Kylian Mbappe iyo Harry Kane, waxaana uu hadda sharraxaad ka bixinayaa waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin labadan weeraryahan, xilli ay xulalkooda France iyo England Sabtida ku ballsan yihiin wareegga siddeedda Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Intii u dhaxaysay 2014 illaa 2019 ayuu Mauricio Pochttino ahaa tababaraha Tottenham, waana intii uu soo baxay Harry Kane oo ay hadda da’diisu tahay 29 jir, isla markaana ah hoggaamiyaha xulka England ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka.

Sidoo kale, waxa uu Pochettino noqday tababaraha Paris Saint-Germain markii ay taariikhdu ahayd January 2021 oo uu ka beddelay Thomas Tuchel oo waqtigaa shaqada laga caydhiyey, waxaana uu nasiib u yeeshay in uu gacanta ku dhigo weerarka ugu khatarta badan dunida ee Messi, Neymar iyo Mbappe.

Mauricio Pochettino oo waraysi siiyey wargeyska The Athletic ayaa la weydiiyey in uu sharraxo farqiga u dhexeeya Kylian Mbappe iyo Harry Kane, maadaama uu labadoodaba soo layliyey, xilli ay England iyo France isku diyaarinayaan kulankooda Sabtida ee Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Pochettino ayaa yidhi: “Harry waxa aan u arkayay in uu yahay qaabka weeraryahannadii hore ee No.9-ka. Waxa laga yaabaa in sababtu tahay qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo sida uu u dhaqaaqo, laakiin waxa aanu ka caawinay in uu ordo, qayb ka qaato cadaadiska kooxda kale isla maarkaana u dhaqaaqo meelo kala duwan, isaga oo isticmaalaya meelaha bannaan ee garoonka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

“Sidaa darteed, waa ciyaartoy ka dheeli kara xerada ganaaxa iyo bannaankaba, sababtuna waa fahamkiisa ciyaarta oo cajiib ah. Waxa uu dareemaa waxa ay kooxdu u baahan tahay, marka uu cadaadis saaran yahayna waxa uu soo geli karaa khadka dhexe si uu koxoda uga caawiyo dhismaha kubadda ee garoonka, waxaanu sameeyaa caawin.

“Waxa kale oo uu leeyahay awood uu ku ordo, halkii uu kaliya ka dhax joogi lahaa xerada ganaaxa, markaa waxa in badan ayaanu ku dhibaatoonay sidii aanu u horumarin lahayn, si aad qaabkaas ugu ciyaartana waxa aad u baahan tahaya in aad ku ciyaarto labada lugood.

“Haddii Harry uu boosskaas ka ciyaaro kulanka Sabtida ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka, way ku adkaan doontaa Faransiiska inay joojiyaan.”

Intaas kaddib waxa uu Pochettino sharraxay Kylian Mbappe, waxaana uu yidhi: “Markii u horreysay ee aan la kulmay Kylian, waxa uu ahaa ciyaartoy aad iskugu kalsoon oo gebi ahaanba ka duwan sidii uu Harry ahaa markii uu yaraa.

ADVERTISEMENT

“Dabcan, Kylian waxa uu leeyahay saamayn balse waa mid fiican. Haddii aan arko Kylian oo qalad samaynaya, waan u sharrixi karayay waxa aanu ka doonayno in uu sameeyo, sidaa darteed waxa uu isku dayi karayay inuu sameeyo horumar ciyaar kasta.

“Waxa laga yaabaa in warbaahintu ay siinayeen sawir ka duwan, balse xaqiiqadu waxay tahay inuu yahay wiil si fiican loo maamuli karayo.

“Mbappe wuu ka duwan yahay Harry, waana ciyaartoy aan u baahnayn in uu xidhiidhiyo ciyaarta oo dhan, waxaanu halkaas joogi karayaa shan ama toban daqiiqadood isaga oo aan ka qayb qaadanayn ciyaarta, laakiin haddana wax cajiib ah ayuu samaynayaa, ciyaartana guul ayuu kugu hoggaaminayaa.

“Harry waa ciyaartoy u baahan inuu dareemo inuu xidhiidhinayo ciyaarta, laakiin Kylian wuu ka duwan yahay oo xataa haddii aanu kubadda taaban wuu faraxsanaanayaa.”

Share283Tweet177
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.