Ciyaartoyda xulka Iiraan iyo taageerayaashooda ayaa sameeyay mudaharaad ka hor inta uusan bilaaban kulanka Koobka Adduunka ay la ciyaarayaan xulka England.
Xiddigaha xulka Iiraan ayaa diiday inay qaadaan heesta astaanta qarankooda halka taageerayaasha Iiraan ee garoonka ku sugnaa ay ku ooriyeen muusiga astaantooda iyagoo sidoo kale soo bandhigay boorar ay fariin ugu gudbinayaan dowladooda.
Sababta ka danbeysa mudaharaadka ayaa ah inay ka soo horjeedaan sida ay dowladooda u la dhaqmeyso dumarka iyo sida ay dowladooda u la dhaqantay dadkii ka mudaharaaday dil loo geystay gabar.
Waxaa TV-ga laga arkayay qof dumar oo ooyaysa iyadoo la dhacsan diidmada ciyaartoyda Iiran ay diideen inay qaadaan heesta calankooda.
Ka dib geeridii Mahsa Amini oo ay dileen boliiska dalkaas, waxaa Iiraan ka dhacay mudaharaadyo waa weyn oo lagu dalbanayo xuquuqda haweenka.
Kumanaan qof ayaa loo xiray mudaharaadyadaas iyadoo dowlada ay sidoo kale bartilmaameedsatay dadka dibad baxay oo qaarkood dil toogasho lagu xukumay.
Ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka waxay arintaan sababtay isku dhac ciyaartoyda xulka iyo dowlada iyadoo dowlada Iiraan ay dalbatay in xulka laga saaro weeraryahan Serdar Azmoun madaama uu taageeray dibad baxayaasha.