Taageereyaasha kubadda cagta ayaa cadho ka muujiyey BBC Sports oo iska diidday inay baahiso xafladdii quruxda badnayd ee lagu furay Koobka Adduunka ee waddanka Qatar, taas oo ay malaayiiin qof oo adduunyada oo dhan ah kala socdeeen shaashadaha kala duwan.
Dhacdadii ciyaarood ee ugu weynayd dunida ee garoonka Al Bayt ee magaalada Doxa ee uu furay jilaaga caanka ah ee Morgan Freeman, ayaa waxay saxaafadda Ingiriisku u samaysay dhalleecayn iyaga oo xataa jilaagan ku eedeeyey inuu ka qayb-galay tartan lagu qabanayo waddan dulleeyey shaqaalaha ajaaniibta, sidoo kalena xuquuqda insaanka meel kaga dhacay.
BBC Sports oo laga filayay inay si weyn u tabiso xafladda ayaa si lama filaan ah ay falanqeeyeyaasheedu ugu mashquuleen hadallo iyo faallooyin kale, iyaga oo iska indho tiray baahinta xafladda, taas beddelkeedana waxay samaynayeen eedaymo kala duwan.
Arrinta cajiibka ah ayaa waxay ahayd in BBC Sports ay tabinaysay ciyaar haweenka ah oo u dhaxaysay Chelsea iyo Tottenham, taas oo u muuqata ogaan loogu beegay waqtigaas si xafladdan ay uga muquurtaan.
Khubarada BBC-da ayaa si badheedh ah u sheegay, in aanay xafladdaas baahinayn sababta oo ah inay kasoo horjeedaan rikoodhka tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda insaanka ee Qatar.