Achraf Hakimi ayaa maamuusay saaxiibkiisa kooxda Paris Saint-Germain markii uu sameeyay dabaaldegiisa loo yaqaano ‘Waddle’ ka dib markii ay Morocco garaacday Spain oo ay ka reebtay Koobka Adduunka.
Morocco ayaa sameysay lama filaankii ugu weynaa ka dib markii ay gool ku laad ku reebeen Spain oo laga qabtay dhamaan seddexdii rigoore ee ay tuureen.
Hakimi ayaa dhaliyay gool ku laadkii guusha u xaqiijisay Morocco ka hor inta uusan sameynin dabaaldega ‘Waddle’ oo uu caan ka dhigay Jaylen Waddle oo sidaas u dabaaldega marka uu gool u dhaliyo kooxda kubada mareykanka ee NFL ee Miami Dolphins.
Xiddiga reer Morocco ayaa maamuusay Sergio Ramos kaasoo isna dabaaldegaas sameeya mar walba, waxaana la sheegay in sababtii uu Hakimi u xusay saaxiibkiis inay aheyd in Luis Enrique uu ka soo tagay daafaca waayo araga ah.
Spain ayaa ka qoomameysay inay ka soo tageen xiddigo waayo arag ah sida Sergio Ramos oo wacdarro u dhigayay PSG xilli ciyaareedkan iyo xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara.
Taageerayaasha kubada cagta ayaa ku amaanay Hakimi inuu xusay saaxiibkiisa Sergio Ramos ka dib markii uu Spain ka reebay Koobka Adduunka.
Taageere ayaa Twitter ku soo qoray: “Rigooradiisii Panenka, Hakimi kaliya Spain kama reebin Koobka Adduunka laakiin sidoo kale wuxuu u dabaaldegay sida Sergio Ramos. Waa jawaab ku haboon Enrique kaasoo aan u soo yeeranin Ramos inkastoo uu boos joogta ah ka heysto PSG islamarkaana aan wali laga badinin isagoo ciyaaraya.”
Mid labaad ayaa soo qoray: “Wuxuu ku dhashay kuna soo koray Madrid, wuxuu daaficii ugu fiicnaa dunida ku tilmaamay Sergio Ramos markii laga reebay xulka Spain, wuxuu dhaliyay rigoorada Panenka oo uu Ramos sidoo kale dhaliyo, wuxuuna u dabaaldegay sidiisa markii uu Spain reebay.”
Mid seddexaad ayaa yiri: “Ma aamini karo in Hakimi uu reebay Spain sidoo kalena uu xusay Sergio Ramos.”