Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Champions League

Maxay Ahayd Sababtii Uu Tababare Tite Beddelka Ugu Keenay Goolhayaha Saddexaad Ee Brazil Ee Weverton Kulankii Koonfur Korea?

by Abdiwahab Ahmed
December 6, 2022
0
Maxay Ahayd Sababtii Uu Tababare Tite Beddelka Ugu Keenay Goolhayaha Saddexaad Ee Brazil Ee Weverton Kulankii Koonfur Korea?

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa sharraxay sababtii uu beddelka ugu soo geliyey goolhayaha saddexaad ee xulkiisa ee Weverton kulankii ay xalay ku karbaasheen South Korea, kuwaas oo afar gool oo ay qaybsadeen Vinicius Junior, Neymar, Richarlison iyo Lucas Paqueta ay qaybtii horeba ku khaarajiyeen.

ADVERTISEMENT

Brazil ayay u ahayd ciyaar ay ku dhamaysatay dabbaal-deg iyo bandhig heersare ah oo ay daqiiqadihii koowaadba la saaxiibtay shabaqa Koonfur Korea.

Garoonka Stadium 974 ayaa u ahaa mid aanay wax dhibaato ah kula kulmin, iyadoo toddoba daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay uu Vinicius Junior gool qurux badan ugu aftaxay ciyaarta, halka daqiiqaddii 36aadna uu Vinicius caawiyey goolka afraad ee uu dhaliyey Lucas Paqueta, halka Neymar uu goolka labaad rikoodhe ku dhaliyey ka hor intii aanu Richarlison goolka saddexaad keenin.

Dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay ayuu Tite beddelay goolhaye Alisson, waxaanu keenay Weverton iyagoo uu kaydka fadhiyey Ederson oo kulankii Cameroon ciyaaray, waxaana  ciyaarta kaddib uu tababaraha Brazil sharraxay go’aankiisa, isaga oo yidhi: “Aad ayay u fiicnayd in Weverton uu daqiiqado helay. Waxa aanu dareemaynaa in aanu ka farxino qof kasta oo halkan yimid, si uu noo taageero.”

Weverton oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa ahaa ciyaartoygii 26aad ee Brazil ay ciyaarsiiso Koobka Adduunka ee ka socda Qatar, taas oo ka dhigan in dhamaan ciyaartoydii uu tababare Tite soo xushay ay waqti heleen.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023
Share368Tweet230
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.