Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Champions League

Maxay Ahayd Sababtii Uu Pele U Diiday Inuu U Ciyaaro Kooxaha Reer Yurub Ee Real Madrid, Man United & Napoli Oo Lacago Badan U Diyaariyey?

by Abdiwahab Ahmed
December 30, 2022
0
Maxay Ahayd Sababtii Uu Pele U Diiday Inuu U Ciyaaro Kooxaha Reer Yurub Ee Real Madrid, Man United & Napoli Oo Lacago Badan U Diyaariyey?

Halyeygii Brazil ee Pele ayaa Khamiistii ku geeriyooday magaalada Sao Paulo iyadoo ay da’diisu ahayd 82 jir, waxaana dalkaas laga samayn doonaa saddex maalmood oo baroor-diiq ah oo fasax laga noqonayo shaqooyinka dalkaas.

ADVERTISEMENT

Geeridiisa waxa sababayaa xanuunka kansarka oo ku dhacay oo uu muddo la jiifay, kaas oo markii dambe usii gudbay kalyaha iyo beerka.

Xiddigan geeriyooday ayaan waligii ka ciyaarin qaaradda Yurub ee ay ka dhisan yihiin kooxaha ugu waaweyn dunida, waxaana uu cimrigiisa ku qaatay laba kooxood oo kaliya oo ahaa Santos oo ka dhisan Brazil iyo New York Cosmos oo waddanka Maraykanka ah.

Pele oo ah ciyaartoyga kaliya ee taariikhda kubadda cagta saddex Koob Adduun ku guuleystay, ayaa waxa uu dalabyo ka helay Real Madrid xilligii ay dunidu u shidnayd  ee uu guulaha waaweyn soo hoynayay, waqtigaas oo Real Madrid na ay shan Champions League oo isku xiga ku guuleysatay.

Waxa kale oo Pele uu dalabyo ka helay Napoli iyo Manchester United oo aanu midkoodna tegin, waxaana dhamaan kooxahani ay dalabyadoodu noqdeen kuwo aan guuleysan.

Sannado ka hor ayuu saxaafadda u sheegay in uu aad ugu dhowaa inuu ku biiro Real Madrid, laakiin uu go’aansaday inuu sii joogkooxdeeda keento Diego Maradona oo u ciyaaray intii u dhaxaysay 1984kii illaa 1991kii.

“Waxa jiray waqtiyo badan oo aan aad ugu dhowaa inaan u saxeexo Real Madrid, mar dambena kooxda Talyaaniga ee Napoli.” Ayuu yidhi Pele oo sannado ka hor bixinayay waraysi.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxa kale oo i doonaysay Manchester United, laakiin anigu kama qoomamoonayo in aanan tegin Yurub, sababtoo ah waxa aan joogay Santos oo waqtigaas ahayd koox awood badan.”

19 sannadood oo uu u ciyaaray Santos kaddib, waxa uu u wareegay New York Cosmos, isaga oo kubadda cagtana ka fadhiistay sannnadkii 1975kii.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share332Tweet208
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.