Xulka qaranka Morocco ayaa walaacsan saacado ka hor ciyaarta adag ee ay waajahayaan Portugal ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka, waxaanay u baqayaan laba ciyaartoy oo halbowleyaal ah oo taam ahaanshahooda shaki ku jir.
Sida uu sheegay telefishankaa RMC Sports, difaaca midig ee Paris Saint-Germain iyo xulka Morocco ee Achraf Hakimi iyo sidoo kale diifaaca West Ham ee Nayef Aguerd ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyey ee xulkooda ee xalay fiidkii ee ay iskugu diyaarinayeen kulanka Portugal.
Achraf Hakimi oo dhaliyey rikoodhihii ugu dambeeyey kulankii Spain, ayaa waxa la sheegay inuu dhaawac fudud qabo, isla markaana la siiyey daawooyin uu kusoo kaban karo saacadaha kooban ee uu haysto, taas oo hoos u dhigaysa walaacii laga qabay, laakiin Aguerd ayaa xaaladdiisa laga dayrinayaa oo hubanti la’aan badani ka jirtaa inuu ciyaarayo iyo in kale.
Morocco oo wareeggii 16ka barbarro goolal la’aan ah kula soo dhamaystay Spain oo markii dambena ay rikoodheyaal ku garaacday, ayaa waxa kale oo ay layaab kusoo ridday kooxihii kula jiray Group F ee Belgium iyo Croatia ka hor intii aanay soo gaadhin wareegga 16ka ee aanay Spain ku dubanin.
Tababare Walid Regragui ayaa rajaynaya in labadan ciyaartoyba taam u noqdaan balse waxa uu la tashan doonaa dhakhatiirta ka hor inta aanu gaadhin go’aanka kama dambaysta ah ee inuu ciyaarsiiyo Achraf Hakimi iyo Nayef Aguerd.
Walid Regragui ayaa la filayaa inuu kusoo galo shax ka kooban 4-3-3 oo ay ka muuqanayaan xiddigaha Hakim Ziyech, Soufiane Boufal iyo En Nesyri, halka khadka dhexe ee Sofyan Amrabat uu noqonayo mishiinkooda lama-taabtaanka ah ee khadka dhexe.