Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa u dhaqaaqday saxeexa xiddigii u beddeli lahaa weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo xagaagii ay 40 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Bayern Munich.
Robert Lewandowski ayaa hoggaamminaya tartanka gool-dhalinta horyaalka waddanka Spain ee La Liga, isaga oo u dhaliyey 13 gool, afar kalena caawiyey 15 kulan oo uu saftay.
Laakiin Barcelona ayaa afar bilood kaddib saxeexa laaciban waxay raadinaysaa weeraryahan kale oo u beddela Robert Lewandowski oo 34 jir ah, isla markaana heshiiskiisu ahaa saddex sannadood.
Xavi Hernaandez ayay kooxdiisu xidhiidh la samaysay weeraryahanka da’da yar ee reer Brazil ee Vitor Roque oo ay u calaamadsadeen in uu u noqdo beddelka Lewandowski, iyaga oo kalsooni ku qaba heerka gool-dhalintiisa maadaama 36 kulan oo kooxda akoowaad ah uu dhaliyey toddob gool iyadoo ay kaliya da’adiisu tahay 17 jir.
Qiimaha laacibkan ay Barcelona ku heli karto ayaa la sheegay in uu noqonayo €40 milyan oo Euro, waxaana haddii uu yimaaddo La Liga uu raaci doonaa raadka Neymar, Vinicius Junior iyo Casemiro oo ahaa xiddigihii ugu fiicnaa ee sannadihii ugu dambeeyey ay Brazil u dirtay LaLiga.
Sidoo kale Real Madrid ayaa iyaduna waxay €70 milyan oo Euro ku iibsatay Endrick oo ah 16 jir loo arko inuu mustaqbal weyn leeyahay.