Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Maxaa Sababay In Morocco Ay Bedesho Goolhayihii Ay Ku Soo Bilowday Shaxda Ka Hor Inta Aan Ciyaarta La Bilaabin?

by Saed Mohamed
November 27, 2022
0
Maxaa Sababay In Morocco Ay Bedesho Goolhayihii Ay Ku Soo Bilowday Shaxda Ka Hor Inta Aan Ciyaarta La Bilaabin?

Goolhaye Yassine Bounou uma ciyaarin xulka Morocco kulankii ay ka badiyeen maanta Belgium inkastoo shaxda lagu soo bilaabay islamarkaana uu ka qeyb galay safka lagu qaadayay heesta calanka wadankiisa.

ADVERTISEMENT

Laakiin waxaa durbadiiba garoonka laga waayay waqtigii ay ciyaartoyda iska qaadayeen sawirka ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta iyadoo goolhayaha Sevilla uu muuqbeelay.

Waxaa booskiisa bedelay goolhayaha labaad Munir Mohand Mohamedi, iyadoo dad badan ay la yaabeen bedelka ay Morocco ay sameysay ilbiriqsi ka hor inta aan la baasin kubadii ugu horeysay ee ciyaarta.

Tabiyayaasha ciyaarta ee BBC ayay ku qaadatay ilaa daqiiqadii 38aad inay ogaadaan in goolhaye Yassine Bounou inuusan ciyaareynin, iyagoo dhowr jeer Mohamedi ugu yeeray magaca goolhayaha Sevilla oo Bono lagu naaneeso.

ADVERTISEMENT

Waa wax caadi ah in la arko in ciyaartoy ka baxaan shaxda kooxda waqtiga iskululeynta laakiin waxaa qariib ah in la arko ciyaaryahan maray iskululeynta islamarkaana safka soo galay ka hor inta aan la bedelin.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Hadaba maxaa sababay?

Waxaa la isku raacay in goolhayaha uu xanuunsanaa ka hor ciyaarta islamarkaana uu daqiiqadii ugu danbeysay uu go’aansaday inuusan taam u aheyn inuu ciyaaro.

BBC ayaa sheegtay in goolhaye Bono uu ka cabanayay aragtidiisa isha ka hor ciyaarta halka jariirada Faransiiska ee L’Equipe ay sheegtay in Bono uu dareemay wareer, taasoo keentay inuu ka baxo kooxda.

ADVERTISEMENT
Share442Tweet276
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.