Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Maxaa Kale Oo Ii Haray?” – Lionel Messi Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Hanashadiisa Koobka Adduunka & Haddii Uu Ka Fariisanayo Argentina

by Saed Mohamed
December 19, 2022
0
“Maxaa Kale Oo Ii Haray?” – Lionel Messi Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Hanashadiisa Koobka Adduunka & Haddii Uu Ka Fariisanayo Argentina

Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaan ka fariisan doonin ciyaaraha caalamiga isagoo sheegay inuu doonayo inuu sii ciyaaro isagoo ah horyaalka dunida.

ADVERTISEMENT

Messi ayaa labo gool u dhaliyay Argentina finalkii ugu xiisaha badnaa abid ee ay la ciyaareen France iyadoo 120kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku dhamaatay 3-3 laakiin Argentina ayaa rigoore 4-2 ku badisay oo hanatay abaalmarinta ugu weyn kubada cagta.

Inkastoo ay da’diisu tahay 35 sanno jir, hadana Messi ayaa doonaya inuu u sii ciyaaro wadankiisa isagoo meesha ka saaray inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariisanayo.

“Kama fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah” ayuu yiri. “Waxaan doonayaa inaan sii ciyaaro anigoo ah horyaalka Koobka Adduunka.”

ADVERTISEMENT

“Waa waxa ugu quruxda badan ee jira” ayuu Messi u sheegay TYC Sports. “Eeg waxa aan gacanta ku hayo, aad ayuu u qurux badan yahay, si weyn ayaan u doonayay. Ilaah ayaa ila doonay inuu i siiyo, waxaa ugu jiray dareen ah inaan koobkaan ku guuleysanayo, waan u rafaadnay laakiin waan helnay.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

“Dabcan waxaan rabay inaan waayaheyga ciyaareed ku soo xiro koobkaan, wax kale oo aan weydiisan karo ma jirto. Ilaah ayuu ku mahadsan oo i siiyay wax walba. Inaan waayaheyga ciyaareed koobkaan ku soo xiro waa wax cajiib ah.

“Ka dib koobkaan, maxaa kale oo ii haray? Waxaan ku guuleystay Copa America, Koobka Adduunka… wuxuu koobkaan ii yimid ugu danbeyn. Waan jeclahay kubada cagta, waa shaqadeyda. Waan ku riyaaqaa inaan qeyb ka ah xulka qaranka, waxaan doonayaa inaan sii ciyaaro kulamo kale anigoo ah horyaalka dunida.

“Ma sugi karo inaan Argentina tagno oo aragno sida dabaaldegeena uu waali u noqon doono.”

ADVERTISEMENT
Share517Tweet323
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.