Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulankii Manchester City ee FA Cup ee lagu soo garaacay 4-0, kaddib markii horraantii toddobaadkan uu tababare Graham Potter beddelay Aubameyang oo marka horena beddel kusoo galay garoonka.
Chelsea ayaa guul-darradii labaad kala kulantay Man City afar maalmood gudahood, waxaana Khamiistii ay kooxda tababare Pep Guardiola ku karbaashtay Blues 1-0 kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League, ka hor intii aanay xalayna ku xasuuqin Etihad Stadium.
Jamaahiirta Chelsea ayaa Khamiistii waxay su’aalo ka keeneen bandhiggii Aubemaygn uu muujiyey, iyada oo qaarkoodna ka dalbadeen inaanu Graham Potter mar dambe ciyaarsiinin.
Tababarah Chelsea ayaa 33 jirkan aan kusoo darin liiska ciyaartoydiisii kulanka Man City ee xalay, waxaanay taasi keentay warar la isla dhex-maray oo sheegaya in ay xiddiga reer Gabon uga dhamaatay Blues.
Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa la weydiiyey Graham Potter sababta uu liiska kooxdiisa uga saaray Aubemayng, waxaana uu yidhi: “Aubameyang xanuun ayuu ka dareemay dhabarka ka hor ciyaarta. Christian Pulisic ayaa isaguna jilibka wax ka noqday, walina waanu qiimaynaynaa xaaladdooda.
“Raheem Sterling isaguna muruqa ayuu dhaawac kasoo gaadhay, waxaana socda baadhitaanno, walina lama go’aamin waqtiga uu maqnaanayo.”
Aubameyang ayaa horyaalka Premier League kula soo laabtay niyad-jab kaddib lix bilood oo uu usoo ciyaaray Barcelona oo uu si xor ah ugu biiray markii ay Arsenal burburisay heshiiskiisa sannadkii hore.