Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Masuuliyiintii Barcelona Ee Fashiliyey Heshiiskii Lionel Messi & Gerard Pique Oo Gacanta Lagu Dhigay

by Abdiwahab Ahmed
January 12, 2023
0
Masuuliyiintii Barcelona Ee Fashiliyey Heshiiskii Lionel Messi & Gerard Pique Oo Gacanta Lagu Dhigay

Booliska Catalonia ayaa helay caddaymaha masuuliyiintii Barcelona ee fashiliyey heshiiskii ay kooxdaasi kula jirtay Lionel Messi iyo Gerard Pique, kuwaas oo loosoo dusiyey saxaafadda, taas oo kooxda ka dhax abuurtay qalalaase iyadoo ciyaaryahannadana ka cadhoodeen.

ADVERTISEMENT

Saxaafadda Spain ayaa barnaamijyo kusoo bandhigtay faahfaahinta heshiisyadii ugu dambeeyey ee Barcelona ay u saxeexeen Lionel Messi iyo Gerard Pique ka hor intii aanay labadan ciyaartoy iskaga tegin naadiga.

Lionel Messi ayaa saamayn badan uu ku yeeshay fashilinta heshiiskiisa, waxaanay taageereyaashu si faahfaahsan u ogaadeen lacagaha waallida ah ee uu mushaharka u qaadanayay xilli ay kooxdu la dhibaatoonayso dhaqaale la’aan, waxaana sidoo kale mushahar badan ay kooxdu siinaysay Pique.

Sida ay baahisay idaacadda Cadena Ser, booliska Catalonia ayaa helay caddaymo buuxa oo muujinaya in agaasimihii guud ee hore ee Barcelona ee Oscar Grau iyo madaxii qaybta shuruucda Roman Gomez Ponti ay ku lug lahaayeen in heshiisyadan loo dusiyo saxaafadda.

ADVERTISEMENT

Booliska ayaa hadda diyaarinaya warbixin buuxda ka hor inta aan labadan shaqsi maxkamadda la horgeynin iyadoo kooxda iyoc iyaartoydu ka noqon doonaan dhibbaneyaal.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Wargeyska El Confidencial oo daabacay xogta heshiiska oo ay usoo dusiyeen masuuliyiinta Barcelona, ayaa waxa uu sheegay, in Lionel Messi uu mushaharkiisu ka badanaa 55 milyan oo Euro sannadkii taas oo layaab ku noqotay taageereyaasha maadaama ay kooxdu waqtigaas iska bixin kari la’ayd mushaharka shaqaale hoosaaska iyaga oo uu jug weyn gaadhsiiyey fayraska Korona ee dunida ku keenay dhaqaale xumada.

messi Barca

Messi ayaa uu heshiiskiisani dhamaaday xagaagii 2021 waxaana uu iskaga tegay naadiga markii ay u kordhin waayaan qandaraaska, isaga oo ku biiray PSG.

Gerard Pique ayaa isaguna heshiiskiisa ku dhegsanaa illaa laga soo gaadhayey bishii November, waqtigaas oo uu go’aansaday inuu iskaga fadhiisto ciyaaraha.

ADVERTISEMENT
Share466Tweet292
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.