Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Mashiinka Goolasha Haaland Oo Wadada Guulaha Premier League Ku Soo Celiyay Man City & Rikoodhka Cusub Ee Haaland

by Saed Mohamed
December 29, 2022
0
Mashiinka Goolasha Haaland Oo Wadada Guulaha Premier League Ku Soo Celiyay Man City & Rikoodhka Cusub Ee Haaland

Manchester City ayaa ku soo laabatay wadada guulaha Premier League ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen kooxda Leeds United oo marti loogu ahaa garoonka Elland Road.

ADVERTISEMENT

Labo gool uu dhaliyay mashiinka goolasha Erling Haaland iyo gool uu dhaliyay Rodri ayay Man City dib ugu soo laabtay kaalinta labaad iyagoo shan dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.

Man City ayaa u baahneyd guushan madaama kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League ay guuldarro ka soo gaartay Brentford.

Goolasha waxaa u furay Manchester City dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Rodri kaasoo shabaqa ku taabtay kubad uu goolhayaha ka badbaadiyay Riyad Mahrez.

ADVERTISEMENT

lcimg 8d0af6f8 1e4b 44b0 ace5 cbe133e86715

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

Daqiiqadii 51aad ayay Manchester City sii dheereysatay hogaankeeda markii Jack Grealish uu kubad deeqsinimo ah u dhigay Haaland oo si fudud shabaqa ugu riixay.

Daqiiqadii 64aad ayuu Erling Haaland helay goolkiisii labaad iyo goolkii seddexaad ee Manchester City. Jack Grealish ayaa kubad u celiyay Haaland oo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Meslier.

RIKOODH: Erling Haaland ayaa noqday xiddigii ugu dhakhsiyaha badnaa ee 20 gool ka dhaliya Premier League isagoo ay ku qaadatay kaliya 14 kulan, rikoodhkii hore wuxuu ahaa 20 gool oo lagu dhaliyay 21 kulan.

Erling Haaland ayaa 45 gool dhaliyay 42 kulan uu saftay sannadkan 2022. Manchester City wuxuu u dhaliyay 26 gool tartamada oo dhan 20 kulan u u saftay.

ADVERTISEMENT

lcimg d07d36ff 0464 49c2 b041 a3fe8f7d81b8

26ka gool ee uu Erling Haaland ka hoos dhaliyay tababare Pep Guadiola ayaa ka dhigeysa xiddigii ugu dhaqsiyaha badnaa ee gaara goolashaas.

Haaland waxay ku qaadatay kaliya 20 kulan, Messi waxay ku qaaday 28 kulan, Samuel Eto’o 30 kulan, Sergio Aguero 35 kulan iyo Thierry Henry 41 kulan.

Leeds United ayaa gool soo ceshatay daqiiqadii 73aad ka dib koorno uu soo qaaday Greenwood uu madaxa ku dhaliyay Struijk.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Manchester City kaga takhalustay Leeds United iyagoo ku soo laabtay kaalinta labaad islamarkaana shan dhibcood ka danbeeya Arsenal.

Share343Tweet215
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.