Tababaraha kooxda Al Nassr ee Rudi Garcia ayaa shaaca ka qaaday talada uu siiyay xiddigaha kooxdiisa ee la xidhiidha qaabka ay ula ciyaarayaan saxeexooda cusub ee Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa kulankiisii koowaad ee horyaalka Saudi Arabia ciyaaray Axadii kulan ay guul 1-0 ah ka gaadheen Al Ettifaq balse isagu shaqsiyan ku dhibtooday inuu saamayn muuqata yeesho.
Rudi Garcia oo kulanka kaddib la hadlay shabakadda GOAL ayaa sheegay in dhibtoodu ahayd in xiddigaha kooxdiisu aad iskugu dayeen inay kulanka ku milaan Ronaldo oo uu in badan ka qayb qaato.
Garcia ayaa sheegay inuu xiddigihiisa u sheegay inay go’aanka saxda ah qaataan oo Ronaldo marka uu kubadda leeyahay siiyaan.
“Aad ayay muhiim u tahay in ciyaartoydu si caadi ah u ciyaaraan oo aysan markasta isku dayin inay kubadda siiyaan Ronaldo” ayuu yidhi tababaraha French-ka ahi.
“Waxaan u sheegay inay u baahan yihiin inay go’aamada saxda ah ku gaadhaan garoonka dhexdiisa. Sida cad marka ay Ronaldo ama Talisca kaligood yihiin ee kubadda dalbanayaan waa inaynu kubadda siino, labadani waa ciyaartoy kala duwanaansho samayn kara”.
Ronaldo ayaa ahaa kabtanka kooxdiisa cusub ee kulankaas kaddib markii uu ganaax uu kala yimid England kaga maqnaa Al Nassr labadii kulan ee horre.
Kkkk ronaldo hadaad jeceshahay
Gaar bay kuu tahaysxb
Naga xishood wax xiisa leh kahaadal