Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Marka Uu Fashilmo, Annaga Ayaa Muujina …” Xiddig Ka Tirsan Xulka Qaranka Argentina Oo Difaacay Lionel Messi

by Abdiwahab Ahmed
December 1, 2022
0
“Marka Uu Fashilmo, Annaga Ayaa Muujina …” Xiddig Ka Tirsan Xulka Qaranka Argentina Oo Difaacay Lionel Messi

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Argentina ee Rodrigo De Paul ayaa difaacay kabtanka xulkiisa ee Lionel Messi oo rikoodhe khasaariyey ciyaartii Poland ee Arbacadii ee Koobka Adduunka, taas oo uu ku noqday ciyaartoygii ugu liitay Koobka Adduunka dhinaca rikoodheyaasha tan iyo sannadkii 1966kii.

ADVERTISEMENT

Argentina ayaa u baahnayd guul si ay ugu soo gudubto wareegga labaad, balse fursaddoodii koowaad oo ahayd rikoodhe loo dhigay qaybtii hore ayuu Lionel Messi ka khasaariyey, ka hor intii aanay Alexis Mac Allister iyo Juan Alvarez dhalinin labada gool ee guusha siiyey.

Lionel Messi ayaa dhalliilo badan loogu jeediyey qaab ciyaareedkiisa kulankii Poland, waxaase difaacay Rodrigo De Paul oo saxaafadda la hadlay kaddib guushii ay gaadheen, waxaanu yidhi: “Lionel Messi waa kabtankayaga, isaga ayaana naakhuude ka ah doonta. Ciyaartii Mexico, isaga ayaa furay gool-dhalinta, maanta [shalay] haddii uu ku guul-darraystayna anaga ayaa muujinay in aanu garab taaganahay oo aanu taageerayno.

“Mar walba waxbaad ka baranaysaa guul-darrooyinka. Bilowgiiba waxa aanu muujinay dedaal badan iyo shaqsiyad. Waan ku faraxsanahay in aan xidhanahay shaadhka xulka qaranka Argentina. Waan jecelahay waddanka aan ku dhashay, wax walbana waan u huri doonaa shaadhkan.”

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
Share327Tweet205
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.