Iyadoo saddexda ciyaartoy ee Aurelien Tchouameni, Kingsley Coman iyo Kolo-Muani ay Faraniisku kula kaceen cunsuriyad iyo aflagaaddooyin kaddib finalkii Koobka Adduunka ee xalay, taas oo ay kasii horreysay Karim Benzema oo uu tababare Didier Deschamps si xun ula dhaqmay, kuna kallifay inuu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah, waxa soo baxay oo ay warbaahintu dib usoo faqday hadal kasoo yeedhay halyeygii France ee Patrice Evra.
15 ciyaartoy oo xalay Faransiiska u dheelay ayay kaliya saddex ka mid ahi ahaayeen dhalad Faransiis ah, halka tobaneeyo 12 kalena ay kasoo jeedeen qaaradda Afrika, waxaana eeddii guul-darrada xulkooda dusha looga tuuray ciyaartoyda madowga ah.
Shan ciyaartoy oo madow ah oo kusoo bilowday iyo toddoba beddel kusoo galay ayaa dhamaantood kasoo jeeday Afrika oo midabkoodu madow ahaa, waxaanay taasi ka dhigan tahay in kaliya lix ciyaartoy oo caddaan ah ay u dheeleen xulka Faransiiska.
Evra oo bishii hore ee November la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Haddii aad guuleysato, waxa aad tahay muwaadin Faransiis ah, haddii aad guul-darraysatana ma tihid Faransiis.”
Hadalkan oo u muuqanayay digniin ayaa waxa uu hadda ku rumoobay xiddigaha xalay la cunsuriyeeyey ee Tchouameni, Kolo-Muani iyo Kingsley Coman.