Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Marcus Rashford ayaa amaan u jeediyey laba ka mid ah xiddigaha kooxdiisa oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii xalay ay ugu gudbeen wareegga siddeedda Carabao Cup.
Red Devils ayaa garoonkeeda ku qaabbishay Burnley, waxaanay ku jiidheen laba gool oo ay u kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Christian Eriksen iyadoo ay ugu soo bilowdeen shan ka mid ah xiddigihii ka qayb-galay Koobka Adduunka.
Kubbad qurux badan oo uu Bruno Fernandes u tuuray Wan-Bissaka ayaa uu difaaca England si cajiib ah ugu soo jabiyey goolka hortiisa, waxaana si fudud u dhamaystiray Eriksen oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, iyadoo mar dambena uu Rashford ku daray goolka labaad.
Erik ten Hag ayaa isbeddello sameeyey kulankan oo difaaca dhexe ka ciyaarsiiyey xiddiga Brazil ee Casemiro maadaama ay maqnaayeen Harry Maguire, Lisandro Martinez iyo Raphael Varane.
Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa uu Marcus Rashford amaan ugu qubeeyey Aaron Wan–Bissaka iyo Christian Eriksen oo uu sheegay inay qayb weyn ku lahaayeen guusha, waxaana uu yidhi: “Haa, saamayn weyn ayuu Aaron ku lahaa ciyaarta. Dhamaantayo waanu ognahay tayadiisa difaaca, aniga argtidaydana waxa uu u baahan yahay kalsooni si uu hore ugu socdo, sababtoo ah marka uu weerarka yimaaddo waxa uu abuurayaa fursado goolal aanu ku dhalin karayno.
“Waxay ahayd kubbad wanaagsan oo u muuqanaysay gool si fudud ku dhashay, laakkiin xaqiiqadu sidaas ma aha. Dhaqaaqa iyo xilliyeyna saddexda ciyaartoy darteed. Chrisitan ayaa yimdi xerada ganaaxa oo kubadda ku qabtay. Waxa uu ahaa gool qurux badan, Azza-na [Aaron Wan-Bissaka] qayb weyn ayuu ka ciyaaray.”