Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Maradii Madoobeyd Ee Lionel Messi Loo Xiray Finalkii Koobka Adduunka Oo HAL MILYAN Doolar Lagu Iibsanayo

by Saed Mohamed
December 24, 2022
0
Maradii Madoobeyd Ee Lionel Messi Loo Xiray Finalkii Koobka Adduunka Oo HAL MILYAN Doolar Lagu Iibsanayo

Qareen ayaa u soo bandhigay Lionel Messi inuu hal milyan doolar uga iibsado maradii madoobeyd ee loo yaqaano Bisht ee loo xiray markii uu kor u qaadayay Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Ahmed Al Barwani oo ah qareen iyo xubin ka tirsan barlamaanka Cumaan ayaa dalabkaan soo bandhigay isagoo rajeynaya inuu maradaas taariikhiga ah ku hayo Bariga Dhexe.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: “Anigoo ka wakiil ah Suldaanka Cumaan, waxaan kuugu hambalyeeynayaa hanashada Koobkii Adduunka ee Qatar 2022.

“Bisht-ga carbeed waa calaamad u taagan maqaam sarre iyo xigmad. Waxaan ku soo bandhigayaa hal milyan doolar anigoo kaaga bedelanaya marada Bisht.”

ADVERTISEMENT

Marada madow ee loo yaqaano Bisht ayaa loo xiray Lionel Messi markii la gudoonsiinayay Koobka Adduunka, waana maro dhaqan u ah dadka carabta gaar ahaan dadka reer Qatar ee maqaamka sarre ku jira.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Marada Bisht waxaa la xirtaa kaliya waqtiyo kooban sida aroosyada iyo xafladaha waa weyn, waxaana loo arkaa ixtiraam weyn.

Al Barwani ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday waxa uu ka damacsan yahay marada.

Waxa uu u sheegay The National: “Waxaan joogay garoonka waxaan si toos ah u daawanayay Amiirka Qatar oo Messi u xiraya marada Bisht.

“Waxay waqtigaas dunida u sheegtay waxa aan nahay, waana dhaqankeena, fadlan si fiican u ogaada.

ADVERTISEMENT

“Waxaan dhigi doonaa madxad ai aan u maamuusno waqtigaan aan ku faani karno islamarkaana dib ugu milicsan karno, waxayna ina xusuusineysaa inaan sameyn karno wax walba.”

Share354Tweet221
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.