Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Manchester United Oo Xiddig La Saxeexanaysa Gool-dhaliyihii Arsenal & Chelsea Ee Olivier Giroud

by Abdiwahab Ahmed
January 3, 2023
0
Manchester United Oo Xiddig La Saxeexanaysa Gool-dhaliyihii Arsenal & Chelsea Ee Olivier Giroud

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xiddig lama filaan ah ka dalbatay horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, kaas oo uu tababare Erik ten Hag kalsooni ku qabo heerkiisa gool-dhalinta balse ay caqabad tahay da’diisa weyn.

ADVERTISEMENT

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa si lama filaan ah uga mid noqday liiska ciyaartoyda ay doonayso Manchester United bishan January ee aynu ku jirto, waxaanay saxeexiisa u dhaqaaqi doonaan haddii ay waayaan Joao Felix oo ah dookha koowaad ee Erik ten Hag.

Sida uu qoray wargeyska The Times ee kasoo baxa Ingiriiska, Erik ten Hag waxa uu walaac weyn ka qabaa taam ahaanshaha Anthony Martial xilli uu kooxda ka tegay Cristiano Ronaldo oo heshiiskiisa ay kansaleen isla markaana ku biiray kooxda reer Sucuudi Carabia ee Al Nassr oo maanta usoo bandhigtay warbaahinta.

Weeraryahanka hore ee Arsenal iyo Chelsea ee Olivier Giroud oo ay da’diisu tahay 36 jir ayaa la sheegay in Erik ten Hag uu u arko ciyaartoy ay ka heli karaan goolal xilliyada ay kooxdiisu ku gacan-sarrayso ciyaarta, iyadoo uu ku qancay qaab-ciyaareedkii uu Giroud ka sameeyey Koobkii Adduunka.

ADVERTISEMENT

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan oo dhan waxay dhalisay 24 gool oo horyaalka Premier League ah, waxaana ka goolal badan sagaal kooxood.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Marcus Rashford ayaa ah ciyaartoyga goolasha ugu badanay ka helaan, waxaana uu u saxeexay 11 gool oo dhamaan tartamada ah, halka Martial oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa uu lix gool dhaliyey isaga oo afar ciyaarood kusoo bilowday.

Red Devils ayaa waxa bartilmaameedkeeda ugu weyn ee suuqa January uu ahaa Cody Gakpo waxaanse ka hor-qaadday Liverpool, waxaana hadda lala xidhiidhinayaa Joao Felix oo Atletico Madrid ay dalbanayso £18.5 milyan oo Gini oo ay tahay in United bixiso si ay amaah lix bilood ah ugu qadato.

ADVERTISEMENT
Share353Tweet221
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.