Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Manchester United Oo Weeraryahankii Ay Raadinaysay Ka Heshay Real Madrid

by Abdiwahab Ahmed
December 31, 2022
0
Manchester United Oo Weeraryahankii Ay Raadinaysay Ka Heshay Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dalab qiimihiisu hooseeyo ka gudbinaysa xiddig ka tirsan Real Madrid oo ay si fudud ku iman karayo Old Trafford marka la eego xaaladda uu kaga jiro Santiago Bernabeu.

ADVERTISEMENT

Erik ten Hag ayay kooxdiisu raadinaaysaa weeraryahan ay isku xoojiso kaddib bixitaankii Cristiano Ronaldo, waxaana lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo badan inkasta oo lagu garaacay laacibkii ay sida weyn u doonayeen ee Cody Gakpo oo ay Liverpool lasaxeexatay.

Ciyaartoyday magacyadoodu safka hore kaga jiraan liiska xiddigaha laga doonayo Old Trafford waxa kujira Joao Felix oo Atletico Madrid khaati ka taagan kaddib is-faham-darro u dhaxaysa isaga iyo tababare Diego Simeone oo qaab-ciyaareedka ay isku khilaafsan yihiin.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa Spain, Manchester United ayaa waxay hadda doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Marco Asensio oo ay waliba qiime aad u hooseeya ku heli karayaan.

ADVERTISEMENT

Warka ayaa sheegay in Manchester United ay diyaar la tahay lacag u dhaxaysa 15 milyan oo Euro illaa 20 milyan oo Euro, taas oo ay Real Madridna ku qanacsan tahay oo ay degdeg u aqbali doonto sababtoo ah heshiiskiisa ayaa waxa uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan illaa haddana ma ogolaanin in uu qandaraaska kordhiyo.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Real Madrid macquul ayay u aragtaa inay qiimahan ku iibiso xiddiga reer Spain haddii uu diido inuu heshiis cusub saxeexo labada toddobaad ee ugu horreeya bisha January.

26 jirkan oo sannadkii 2014 ay Real Madrid  kasoo iibsatay Real Mallorca ayay boos la’aan ku haysataa Santiago Bernabeu waxaa auu kaliya dheelay 11 kulan oo dhamaan tartamada ah, sababtaas darteedna ayaana uu marar badan shaki ku geliyey in uu sii joogayo Los Blancos.

ADVERTISEMENT
Share448Tweet280
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.