Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Manchester United Oo Shaacisay Inay Sannadka Dambe Beddelayso Garoonkeeda Old Trafford & Sababta Oo La Sharraxay

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Manchester United Oo Shaacisay Inay Sannadka Dambe Beddelayso Garoonkeeda Old Trafford & Sababta Oo La Sharraxay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay inay isbeddel muhiim ah ku samayn doonto garoonkeeda Old Trafford sannadka 2024, gaar ahaan qaybta loo yaqaano Stretford End, taas oo yeelan doonta magac cusub oo loo bixin doono.

ADVERTISEMENT

Manchester United ayaa sannadkii 1910-kii waxay garoonkeeda u bixisay Old Trafford, waxaana uu qaadaa taageereyaal tiradoodu tahay 80,000 qof, inkasta oo aan la ogolaanin in la buuxiyo oo dhawr kun oo kursi laga furay garoonka.

Sida garoomada kale ee dunida, marar badan ayaa dibu-dhis lagu sameeyey garoonkan, balse waxay Manchester United ku ilaalisaa in aanu hoos uga soo dhicin tirada baaxadda ama  muggiisa, iyadoo ay ku rakiban yihiin 74,310 kursi oo inta badan buuxsama.

Sannadkii 1992kii ayay Manchester United dumisay qaybta loo yaqaano Stretford End ee garoonka, waxaana lagu sameeyey dibu-dhis halka sannadkii 2000 ay kooxdu cusboonaysiin weyn ku samaysay garoonka oo dhan oo laga dhigay mid casri ah.

Sidaas oo ay tahay, taageereyaasha Manchester United ayaa waxay dalbanayaan in wali aya kooxdu sii casriyeyso meelo ka mid ah garoonka, gaar ahaan Stretford End, taas oo ay kooxduna xaqiijisay inay samayn doonto, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay website-ka Manchester United.

Qaybta isbeddelka lagu samaynayo ee Stretford ayaa ah meel si aad ah looga shaqeeyo oo ay fadhiistaan madaxda kooxda iyo taageereyaasha sannadaha badan sida xidhiidhka ah u goosta tigidhka dhamaan kulamada hal-mar, waxaanay kooxdu xaqiijisay in dadka haysta tigidhada xilli-ciyaareedka 2024/25 loogu beddeli doono kuraas meelo kale oo garoonka ah.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
Share381Tweet238
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.