Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ogaatay qiimaha lacagta ay ku heli kaarayso xiddiga reer Ghana ee Mohammed Kudus oo isku muujiyey Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu kusoo jiitay indhaha kooxo badan oo reer Yurub ah.
Mohammed Kudus oo ah ciyaartoy Muslim ah ayaa waxa uu u ciyaaraa Ajax oo hadda go’aamisay qiimihiisa, waxaana sida ay xoguhu sheegayaan ay Manchester United oo danaynaysay laacibkan in ay la saxeexato bishan January loo sheegay inay la timaaddo £40 milyan oo Gini.
Manchester United oo raadinaysa ciyaartoy u buuxiya booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo oo bishii November la kansalay qandaraaskiisa isla markaana u wareegay kooxda reer Sucuudi Carabiya ee Al-Nassr ayaa waxa diiraddeeda soo galay Mohammed Kudus.
Erik ten Hag oo hore usoo layliyey Kudus waqtigii uu joogay Ajax ayaa la sheegay inuu mar kale doonayo inuu weerar ku qaado kooxdiisa hore ee uu kasoo afduubtay Lisandro Martinez iyo Antony, waxaase Red Devils lagu xidhay in kaliya ay soo buuxiyaan shuruudda ah inay £40 milyan oo Gini miiska saaraan.
Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay, in lacagtan ay dalabnayso Ajax in aanay ahayn mid macquul ah marka loo eego Mohammed Kudus oo ciyaartiisu ay kaliya kusoo baxday Koobka Adduunka iyo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan oo uu dhawr gool ka dhaliyey.
22 jirkan ayaa uu qiimihiisu kor u kacay intii uu socday Koobka Adduunka oo uu ka dhaliyey saddex gool, halka uu Ajax 21 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 10 gool oo dhamaan tartamada ah oo uu ku jiro goolkii uu Liverpool ka dhaliyey wareeggii group-yada Champions League.