Kooxda kubadda cagta Manchester United ayuu maanta tijaabada caafimaadka u maraya xiddig noqonaya saxeexii koowaad ee Red Devils ay samayso suuqa bishan January, waxaana uu buuxin doonaa boos toddobaadkan ku bannaanaaday tabaabare Erik ten Hag.
Red Devils ayaa ku jirta suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay si weyn u raadinayaan weeraryahan ku fiican dhalinta iyo hal-abuurka oo u buuxiya booskii Cristiano Ronaldo, waxaana lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo badan sida Joao Felix oo maalmihii ugu dambeeyey ahaa hadal-haynta ugu badan.
Maanta oo Khamiis ah ayaa waxa garoonka tababarka Manchester United ee Carrington gaadhi doona ciyaartoy noqonaya saxeexa koowaad ee January oo tijaabada caafimaadka ku mari doona halkas, waxaanu markaas kaddib qalinka ku duugi doonaa heshiis amaah ah oo uu kaga mid noqonayo kooxda tababare Erik ten Hag.
Goolhayaha reer England ee Jack Butland oo 29 jir ah ayay Manchester United maanta u qorshaysay tijaabada caafimaadka, waxaanay kala soo wareegayaan Crystal Palace isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis lix bilood ah.
Man United ayaa ka dhigi doonta Butland goolhayaha labaad ee kaydka u fadhiyaya David de Gea, kaddib markii uu Martin Dubravka toddobaadkan ka tegay Red Devils ee uu dib ugu laabtay Newcastle United oo markii hore uu amaah kaga yimid.
United ayaa go’aansatay in aanay dib ugu yeedhanin goolhayaha amaahda kaga maqan ee Dean Henderson oo u ciyaara Nottingham Forest, waxaanay doorbideen inay heshiis waqti kooban ah kusoo qaataan Butland oo dhowaan heshiis cusub u saxeexay Crystal Palace, balse kursiga kaydka ku jira.
Patrick Vieira ayaa kaydka u diray Butland markii uu kooxda yimid, waxaanu ka doorbiday Vicente Guaita, waxaanay taasi keentay in goolhayahan hore ee Stoke City usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 2015 illaa 2018 uu aqbalo inuu amaah ku tago Manchester United.