Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson ayaa usoo jeediyey Manchester United inay qasnaddeeda u jabiso oo ay la saxeexato xiddig uu ku tilmaamay in uu ka wanaagsan yahay gool-dhaliyaha Manchester City ee Erling Haaland oo xilli-ciyaareedkan socda hoggaaminaya kabta dahabka ah ee horyaalka Premier League.
Paul Merson ayaa waxa uu sheegay, in haddii ay Manchester United la saxeexato weeraryahanka xulka qaranka England iyo Tottenham ee Harry Kane ay ku guuleysan doonaan horyaalka Premier League, isaga oo ku dooday inuu ka wanaagsan yahay Erling Haaland.
29 jirkan oo lagu tilmaamo weerryahannada ugu wanaagsan ayaa Tottenham u saftay 412 ciyaarood oo uu u dhaliyey 265 gool iyo 62 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana muddo dheer lala xidhiidhinayay Manchester United iyo Manchester City labadaba.
Qandaraaska uu kula jiro Tottenham ayaa waxa uu ku egyahay June 2024, waxaana loo badinayaa inuu iskaga tegi doono Spurs si uu ugu guuleysan karo horyaalka Premier League iyo koobab kale maadaama aanu illaa hadda wax koobab ah la qaadin kooxdiisa.
Merson oo la hadlayay Daily Star ayaa yidhi: “Waxaynu joognaa waqti kooxuhu si dheel-dheel ah lacagta u kharash-garaynayaan, weeraryahannada heerka caalami ahna way tiro yar yihiin. Aniga layaab ayay igu noqon doontaa haddii aanay Man United qasnaddeeda u jabinin Harry Kane.
“Haddii United ay doonayso inay soo qabato Manchester City, waa inay helaan Kane. Qof walba wuu doonayaa weeraryahan. Xataa haddii uu ku kacayo £150 milyan oo Gini oo uu u ciyaaro afar ama shan sannadood oo uu u dhaliyo in ka badan 100 gool, waa iska caadi.
“Qof walba waxa uu ka hadlaa Erling Haaland, laakiin aniga aragtidayda waxa tirada kala mid ah Kane, waxaanu waliba samayn karaa caawin ka badan, waanu ka wanaagsan yahay.”