Kooxda kubadda cagt Manchester United ayaa isku dayday inay Arsenal ka afduubato kabtankeeda Martin Odegaard oo ay laba jeer ka gudbisay dalabyo aan guuleysanin oo ay kala kulmeen jawaabo niyad-jab ah, waxaanu warkani soo baxayaa xilli ay Red Devils isku diyaarinayso safar ay Axadda ugu tegayaan Arsenal.
Martin Odegaard oo ka mid aha xiddigaha ugu wanaagsan horyaalka Premier League xill ciyaareedkan ayaa lagu tilmaamaa sirta ka dambaysa in Gunners ay hoggaanka shan dhibcood oo nadiif ah kaga hayso Man City, iyadoo ay waliba ciyaar baaqi u tahay.
United oo uu ku socdo dibu-dhis ayaa waxay isku dayday inay la saxeexato Martin Odegaard oo ay ka qafaalato Arsenal, waxaanay gudbiyeen laba dalab oo ay diidmo degdeg ah kala kulmeen oo ku qasbay Red Devils inay si buuxda uga samirto doonisteedii laacibkan reer Norway.
Sida uu qoray wargeyska Daily Star, Manchester United ayaanay u hirgelin laba isku-day oo ay ku doonaysay Martin Odegaard, laakiin waxay ahaayeen xilliyo hore oo aanu laacibkani dunida is-barin.
Sannadkii 2013 ayay Manchester United ku martiqaadday Odegeerad inuu yimaaddo garoonkeeda tababarka ee Carrington iyadoo ay da’diisu ahayd 14 jir, waxaana David Moyes oo waqtigaas beddelay Sir Alex Ferguson uu go’aansaday inay sugaan illaa 12 bilood si ay u arkaan horumarka ciyaareed ee uu samaynayo laacibkan.
Kubbad-sameeyahan ayaa sii watay horumarka ciyaareed, waxaana iyadoo ay da’diisu yar tahay looga yeedhay xulka qaranka Norway, iyadoo ay Real Madrid saxeexiisa ku garaacday Barcelona, Liverpool iyo Bayern Munich oo doonayay sannadkii 2015.
Waqtigii uu Louis van Gaal tababaraha ahaa ayay mar kale Manchester United indhaheedu qabteen Odegaard balse markanna Real Madrid oo u diyaarsanaysay mustaqbalka ayaa ganafka ku dhufatay.
Si kastaba ha ahaatee, Odegaard ayaa xilli ciyaareedkan waxa uu Arsenal u saftay 17 kulan oo Premier League ah oo uu u dhaliyey siddeed gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.