Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Manchester United Oo Ku Rogaal-celisay Xiddig Looga Dhaartay Xagaagii

by Abdiwahab Ahmed
November 25, 2022
0
Manchester United Oo Ku Rogaal-celisay Xiddig Looga Dhaartay Xagaagii

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa raadinaysa beddelka Cristiano Ronaldo oo toddobaadkan ay burburisay qandaraaskii ay kula jirtay, waxaana dib ugu rogaal-celisay xiddig ay weyday xagaagii oo ay dhawr jeer isku dayeen inay la saxeexdaan.

ADVERTISEMENT

Tababare Erik ten Hag ayaa doonaya in kooxdiisa uu kusoo kordhiyo gool-dhaliye shaqo badan, si ay kaalmaha sare ee horyaalka Premier League ugu dagaallami karaan.

Red Devils oo ay horyaalka Premier League oo ay ku guuleysato ugu dambaysay toban sannadood ka hor, ayaa waxay doonaysaa in ay la saxeexato weeraryahanka  kooxda RB Salzburg ee Benamin Sesko oo u ciyaara xulka qaranka Slovenia.

19 jirkan oo ay kooxdiisu heshiis la gaadhay RB Leipzig oo la filayo in xagaaga uu u wareego, isla markaana u saxeexo heshiis shan sannadood ah ayaa waxay Manchester United doonaysaa inaya bisha January gacanta ku dhigto.

ADVERTISEMENT

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, tababare Erik ten Hag ayaa laacibkan oo shan gool dhaliyey, saddex kalena caawiyey 16 ciyaarood oo uu u saftay RB Salzburg, waxa uu u arkaa inuu yahay ciyaartoyga ugu habboon ee geli karaya booska uu banneeyey Cristiano Ronaldo.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Manchester United ayaa waxa sidoo kale lala xidhiidhinayaa weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez, Victor Osimhem oo u ciyaara Napoli iyo Memphis Depay oo Barcelona ku dhibaatoonaya, laakiin hore ugu fashilmay Old Trafford.

Liiska weeraryahannada Red Devils ay danaynayso waxa kale oo ku jira gool-dhaliyaha xulka qaranka Holland iyo kooxda PSV Eindhoven ee Cody Gakpo.

ADVERTISEMENT
Share368Tweet230
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.