Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay awooddaa in ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay ku jirto kaalinta afraad, iyada oo garbinaysa afarta naadi ee ka horreeye.
Red Devils ayaa waxay hal dhibic ka dambaysaa Tottenham oo afraad fadhida, halka Newcastle United oo labaad ku jirtana ay afar dhibcood u dhexeeyaan, laakiin waxa aad uga fog Arsenal oo 11 dhibcood ka horreysa.
Manchester United ayaa xalay 3-0 ku garaacday Nottingham Forest, waxaanay soo bandhigtay ciyaar tayadeedu sarrayso oo ay ku muquunisay kooxda sagxadda hoose ee horyaalka fadhida.
Labada kulan ee soo socda ayaa u ah United kuwo fudud oo ay sare ugu soo dallici karayso, waxaanay la ballansan tahay Wolves oo khadka cas ku jirta iyo Bournemouth, waana lix dhibcood oo haddii ay helaan ay soo geli karayaan afarta sare, halkaas oo ay ka bilaabi karayaan inay u dagaallamaan horyaalka, sida uu sheegay Gabriel Agbonlahor.
Laacibkan hore ee horyaalka Premier League oo warbaahinta la hadlayay intii ay socotay ciyaartii Man United ay ku karbaashtay Nottingham Forest ayaa yidhi: “Waxay ila tahay inay meel sare u tartamayaan. Manchester United waxay awooddaa inay ku tartanto horyaalka Premier League.
“Waxa aan eegay kooxda marka uu qof kasta taam yahay – David de Gea iyo Diogo Jota qaab fiican ayay ku jiraan, waxa aad sidoo kale haysataan Rpahael Varane iyo waliba Lisandor Martinez oo kusoo guuleystay Koobka Adduunka.
“Dhamaanteen waynu ognahay waxa uu Varane soo qabtay waayihiisa ciyareed, waa difaac aad u sarreeya. Luke Shaw ayaa bidixda jooga. Khadka dhexe waxa aad u ku haysataan Casemiro, Bruno Fernandez iyo Christian Eriksen. Taasi waa hal-abuur iyo firfircooni.”
Gabriel Agbonlahor oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxa aad haysataan Marcus Rashford iyo Antony oo ah laba garab oo wanaagsan. Antony wax badan oo uu barto ayaa u hadhsan, laakiin wuu fiicnaanayaa. Waxa kale oo jooga Anthony Martial.
“11-kaas ciyaartoy waxay si raaxo leh ku imnayaan afarta sare. Waa shax ka wanaagsan Chelsea. Waxay ila tahay inay horyaalka ku guuleysan karayaan.”
hawo maa tawallaa riyo qaawan
kkkkkk taageero.net/ceeb@yaxyax.co.ke.org
Un
Kaasi waa munaafaq inuu culays saaro ayuu doonayaa unated