Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Manchester United Oo Ku Bedeleysa David de Gea Goolhaye Isaga Ka Sii Da’ Weyn

by Saed Mohamed
December 5, 2022
0
Manchester United Oo Ku Bedeleysa David de Gea Goolhaye Isaga Ka Sii Da’ Weyn

Manchester United ayaa u calaamadeysatay Yann Sommer inuu yahay bedelka goolhaye David de Gea.

De Gea oo 32 sanno jir ah ayaa qandaraaskiisa Manchester United wuxuu dhacayaa xagaaga 2023ka.

Kooxda waxay qiyaar u leedahay inay sannad kale ku kordhiso qandaraaskiisa laakiin weli sidaasi ma aysan sameynin.

Waxaa haatan la sheegayaa in kooxda Premier League ka dhisan ay durbaba suuqa kala iibsiga ka raadineyso bedelka goolhayaha reer Spain.

Wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Bild ayaa qoraya in Manchester United ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo goolhayaha Switzerland Sommer.

33 jirkaan ayaa haatan u ciyaara kooxda horyaalka Bundesliga ka dhisan ee Borussia Monchengladbach, isagoo u saxiixay sannadii 2014kii, laakiin isna qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda markaasoo lagu heli karo si bilaash ah.

United ayaa lagu waramay inay xiiseyneysay Sommer xagaagii la soo dhaafay inkastoo ay ugu danbeyn amaah kula soo wareegeen goolhayaha Newcastle Martin Dubravka.

Sommer ayaa wadankiisa u saftay 79 kulan isagoo caan ku noqday inuu badbaadiyay rigooradii Kylian Mbappe ee koobkii Euro ee sannadkii la soo dhaafay markaasoo Switzerland ay ka talaabsatay France una gudubtay wareega 8da.

Wuxuu ku guuleystay xiddiga sannadka Switzerland seddex jeer oo kala duwan, wuxuuna qeyb ka ahaa shaxdii sannadka ee Bundesliga ka dib markii uu wacdarro dhigay xilli ciyaareedkii 2019-2020.

Waxaa la sheegayaa in De Gea lagu qasbayo inuu mushaharkiisa hoos u dhigo si uu qandaraas cusub uga helo Manchester United.

Haddii uu goolhayaha Spain baxo xagaaga waxay soo gabagabeyn doontaa 12 sannadood uu kooxda joogay.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
Share282Tweet176
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.