Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kala dooranaysa laba weeraryahan oo uu tababare Erik ten Hag doonayo inuu la saxeexdo suuqa iibka ciyaartoyda ee January ee afarta maalmood furan, waxaana uu qiimaynayaa fursadda iyo qaab-ciyaareedka labadan ciyaartoy oo uu midkood hore ugu fashilmay Old Trafford.
Manchester United ayaa raadinaysa weeraryahan saamayn leh oo u buuxiya booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo oo qandaraaskiisa ay burburiyeen bishii November markii uu waraysi siiyey wariye Piers Morgan oo uu eedaymo u jeediyey nadigiisa, taas oo keentay in laacibka reer Portugal u wareego naadiga reer Sucuudi Carabiya ee Al-Nassr.
Erik ten Hag ayaa waxa uu xiisaynayay weeraryahanka reer Netherlands ee Cody Gakpo waxaase ka hor qaadday Liverpool, waxaana hadda uu dookhiisu iskugu soo ururay labada weeraryahan ee Memphis Depay iyo Eric Maxim Choupo-Moting oo uu kala dooranayo.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in miiska tababare Erik ten Hag ay saaran yihiin magacyada Memphis Depay iyo Eric Maxim Choupo-Moting oo uu dhawr meelood ka qiimaynayo ka hor inta aanu go’aan rasmi ah gaadhin.
The Athletic waxa uu intaa ku daray, Memphis Depay oo hore ugu fashilmay Manchester United intii u dhaxaysay 2015 illaa 2017 ay Manchester United lacag jaban kaga soo heli karto Barcelona oo uu si xor ah ugu biiray sannadkii 2021, laakiin ay ka doorbidayaan weeraryahanka reer Cameroon ee Choupo-Moting oo kooxdiisa Bayern Munich ay la furtay wada-hadallo heshiis kordhin ah.
Choupo-Moting ayuu qandaraaskiisa Munich ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxay Munich doonaysaa inay sii xajisato maadaama uu xilli ciyaareedkan noqday dhaliyahooda koowaad oo uu si fiican u buuxiyey booskii uu banneeyey Robert Lewandowski.