Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qarka u saarnayd in ay la saxeexato kubbad-sameeyaha xulka qaranka Croatia iyo Real Madrid ee Luka Modric, balse waxay ka doorteen laacib kale oo ku fashilmay inuu saldhigo Old Trafford.
Rio Ferdinand ayaa shaaciyey, in Manchester United ay aad ugu dhoweyd inay ku qanciso Modric inuu yimaaddo Old Trafford ka hor intii aanu u wareegin Real Madrid xagaagii sannadkii 2012, waxaana fursaddaas lumiyey macallinkii ruug-caddaaga ahaa ee Sir Alex Ferguson.
Luka Modric oo shan Champions League kula guuleystay Real Madrid, sidoo kalena abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleystay sannadkii 2018, ayaa waxay Manchester United ka doorbidday Shinji Kagawa oo ay Borussia Dortmund kasoo iibsadeen.
Rio Ferdinand oo ka hadlayay bartiisa FIVE YouTube ayaa yidhi: “Waxa aan la hadlay Modric ka hro intii aanu tegin Real Madrid sababtoo ah sidaas ayaan samayn jiray waxaanan ahaa wakiil Rio ka hor intii aanan ciyaaraha ka fadhiisan.
“Ciyaartoy kasta oo xor ah ama noo iman karaya waxa aan isku dayi jiray in aan la hadlo. Xataa waxa aan la hadlay Thiago Alcantara intii uu joogay Barcelona ee aanu tegin Bayern Munich, waxaana dhcday in kooxdu ay ka doorbidday Marouane Fellaini.
“Laakiin Modric waan xasuustaa isaga. Waxa aan ku idhi ‘Miyaad ka tegaysaa Tottenham?’ waxa uu iigu jawaabay, ‘Haa, waxay ila tahay in aan ka tegayo’, balse ma aanu ogeyn kooxda uu tegi doonoi.”
Rio Ferdinand oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Waxa aan ku idhi, ‘i dhegayso, waa in aad timaaddo United’, waxaanu igu yidhi, ‘Haye, waan dhegaysanayaa [dalabkooda], waxa aan doonayaa in aan noqdo Coratian-kii u horreeyey ee u ciyaara Man United, waxa aan doonayaa in aan noqdo wiilkaas, miyeynu suurtogelin karnaa?’.
“Laakiin ma aanay dhicin. Aniga ayaa la hadlay David Gill iyo tababare Sir Alex waqtigaas balse waxaabay heshiis la galeen Shinji Kagawa.”
Modric ayaa xagaagii 2010 waxa uu £30 milyan oo Gini ugu wareegay Real Madrid, waxaana uu ka noqday ciyaartoy halbowle ah toban sannadood oo uu joogay, waxaanay Los Blancos u bandhigtay heshiis cusub oo sannadkiisii 11aad kusii hayn doona Santiago Bernabeu.