Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisatay in ay Old Trafford sii joogayaan afar ka mid ah ciyaartoydeeda, kuwaas oo ay hirgelisay qodob hore ugu jiray qandaraaskooda oo dhigayay in sannad kale oo dookh ah uu kooxda gacanta ugu jiro oo ay hirgelin karto.
Red Devils ayaa maanta dhaqan-gelisay 12 bilood oo dookh ahaa oo ay ku kordhisay qandaraasyada afarta ciyaartoy ee Marcus Rashford, Diogo Dalot, Luke Shaw iyo Fred oo dhamaantood xilli ciyaareedka dambe sii joogi doona.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, United ayaa markii ay dhaqan-gelisay heshiiska afartan ciyaartoy, waxay qorshe gaar ah u dejisay laba ciyaartoy oo ay heshiisyo cusub oo waqti dheer ah u diyaarisay.
Weeraryahanka xulka qaranka England ee Marcus Rashford iyo Diogo Dalot ayay Red Devils doonaysaa inay siiso heshiisyo cusub oo waqti dheer kusii hayn doona Old Trafford, hase yeeshee waxa wada-hadal ay kooxdu la bilowday goolhaye David de Gea oo la sheegay in aan la kordhinayn heshiiskiisa.
Tababare David de Gea ayaa beeniyey warar ay saxaafaddu qoraysay maalmihii ugu dambeeyey oo ah in De Gea uu ka saaray qorshihiisa wixii ka dambeeye xilli ciyaareedkan, isla markaana uu si xor ah ku tegi doono xagaaga, waxaase arrintaas dabka kusii shidaysa in aanu ku jirin ciyaartoiyda maanta qandaraaskooda la kordhiyey.
Rashford, Shaw, Dalot iyo Fred ayaa dhamaantood uu heshiiskoodu ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxayse Red Devils ka faa’iidaysatay dookha 12ka bilood ee gacanta ugu jiray, taas oo meesha ka saartay in bisha January ay wada-xaajoodyo la galaan kooxo kale.