Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Manchester United Oo £10.6 Milyan Dul-dhigtay Xiddigii Wacdaraha Ka Dhifay Finalkii Koobka Adduunk Ee Iska Diiday Labada Kooxood Ee Premier League

by Abdiwahab Ahmed
January 1, 2023
2
Manchester United Oo £10.6 Milyan Dul-dhigtay Xiddigii Wacdaraha Ka Dhifay Finalkii Koobka Adduunk Ee Iska Diiday Labada Kooxood Ee Premier League

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro weeraryahanka kooxda Borussia Monchengaladbach iyo xulka France ee Marcus Thuram oo hore iskaga diiday laba kooxood oo Premier League ah oo ay xafiilamaan Man United.

ADVERTISEMENT

Red Devils ayaya ka go’an tahay inay la saxeexato weeraryahan bishan January ee suuqeedu maanta furmay maadaama uu ka  tegay Cristiano Ronaldo maalmo ka hor Koobkii Adduunka.

Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa ah labada ciyaartoy ee kaliya ee ka dheeli kara weerarka dhexe ee uu haysto Erik ten Hag, waxaana walaac ku haya taam ahaanshaha Martial oo dhaawacyo badan soo gaadheen sannadihii ugu dambeeyey.

Man United oo Sabtidii soo gashay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League markii ay guul cidhiidhi ah ka gaadhay Wolves, ayaa waxay hadda u dhaqaaqday sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd weeraryahanka Faransiiska ah ee Marcus Thuram, kaas oo ay u dhow yihiin, sida uu ku warramay wargeyska BILD ee kasoo baxa Jarmalka.

ADVERTISEMENT

BILD waxa uu intaa ku daray, in Man United ay kaliya ku heli karayso laacibkan £10.6 milyan oo Gini, taas oo ah qiime aad u hooseeya marka loo eego sida uu yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee waqtigan iyo tayada laacibkan intaba.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

Marcus Thuram ayaa hore iskaga diiday labada kooxood ee Aston Villa iyo Newcastle United oo xiise u muujinayay, waxaan sababta lagu sheegay inay riyadiisu tahay inuu u ciyaaro afarta kooxood ee Inter Milan, Bayern Munich,  PSG iyo Manchester United midkood.

ADVERTISEMENT
Share437Tweet273
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Comments 2

  1. Apdinaasir says:
    1 month ago

    Wuxuu Ku taagan yahaY wado sax ah

    Reply
  2. Xasan says:
    1 month ago

    0923910297

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.