Manchester City ayaa buukimatay booskeeda wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen kooxdii difaacaneysay koobkaan ee Liverpool kulan aad u xiiso badnaa oo labada kooxood ku dhexmaray Etihad Stadium.
Goolal ay kala dhaliyeen Haaland, Mahrez iyo Ake ayay Man City guusha ku xaqiijisatay halka Liverpool ay labo jeer ciyaarta ku soo celiyeen Carvalho iyo Mohamed Salah.
Kooxda Manchester City ayaa si carcar leh ku bilaabatay ciyaarta iyadoo daafacyada Liverpool ay xal u heli waayeen Erling Haaland oo mar walba ka baxsanayay tabinta offside-ka ee ay la damacsanaayeen.
Dhowr fursadood ayuuna helay Halland qeybtii hore iyadoo goolhaye Kelleher uu labo fursadood oo halis ah uu badbaadiyay. Halka dhanka Liverpool uu David Nunez labo jeer fursado fiican ka qasaariyay.
Manchester City ayaa hogaanka qabatay ciyaarta markii ay socotay 10 daqiiqo iyadoo karoos uu soo qaaday Kevin de Bruyne uu shabaqa ku taabtay Erling Haaland oo kubada kaga hormaray daafaca Joe Gomez.
Laakiin Liverpool ayaa jawaab celin ka sameysay daqiiqadii 20aad markii James Milner uu kubad u dhigay Carvalho oo ku guuleystay inuu shabaqa ku xado isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.
Waxaa lagu kala nastay barbarahaas laakiin qeybtii labaad ayaa ciyaarta dib ugu bilaabatay si waali ah iyadoo Manchester City ay hogaanka la wareegtay daqiiqad markii ay socotay ciyaarta iyadoo kubad uu soo qaaday Rodri uu si fiican u koontaroolay Riyad Mahrez ka hor inta uusan shabaqa ku hubsanin.
Balse hogaanka Man City ma waarin xitaa daqiiqad dhameystiran iyadoo Liverpool ay durbadiiba heshay goolka barbaraha markii uu David Nunez orod uga tagay Laporte isagoo kubada u celiyay Mohamed Salah oo si sahlan shabaqa ugu taabtay ciyaartana ka dhigay barbaro 2-2 ah.
Waa goolkii 10aad uu Mohamed Salah ka dhaliyo Manchester City 16kii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimid.
Daqiiqadii 53aad Manchester City ayaa markii 3aad hogaanka u qabatay ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Kevin de Bruyne uu madaxa ku dhaliyay Nathan Ake oo ciyaarta ka dhigay 3-2.
Daqiiqadii 73aad Darwin Nunez ayaa helay fursad uu ciyaarta ku barbareyn karay laakiin markii 3aad oo ciyaarta ah ayuu kubad halis aheyd hormariyay goolka.
10kii daqiiqo ee ugu danbeeyay xamaasada ciyaarta ayaa sarre u kacday iyadoo ay isku dhaceen Rodri iyo Fabinho halka ay taakalada noqdeen kuwa duulaya.
Waxay ciyaarta ku soo idlaatay 3-2 oo ay Manchester City ku dubatay kooxda Liverpool oo tartanka ka hartay.