Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Man United Oo Wareega 16ka U Soo Gudubtay, Everton Ayay Garaaceen & Frank Lampard Oo Qarka U Saaran In La Ceyriyo

by Saed Mohamed
January 7, 2023
0
Man United Oo Wareega 16ka U Soo Gudubtay, Everton Ayay Garaaceen & Frank Lampard Oo Qarka U Saaran In La Ceyriyo

Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega afaraad ee 16ka kooxood ee koobka FA Cup ka dib markii ay 3-1 ku dubteen kooxda Everton oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford. Waa guushii 7aad oo isku xigta oo ay gaaraan.

ADVERTISEMENT

Antony ayaa hogaanka u dhiibay Man United ka hor inta uusan barbareynin Conor Coady, laakiin hadana isla Conor Coady ayaa guusha siiyay Red Devils ka dib gool uu iska dhaliyay qeybtii labaad iyadoo rigoore uu natiijada ku dilay Marcus Rashford.

Natiijadaan waxay culeyska ku sii kordhineysaa tababare Frank Lampard oo qarka u saaran in la ceyriyo iyadoo kooxdiisa ay haatan ka hartay FA Cup islamarkaana ay ku jirto kaalinta 18aad ee looga haro Premier League.

Kooxda Shayaadiinta Cas Cas waxay ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Marcus Rashford uu shabaqa ku taabtay Antony.

ADVERTISEMENT

Everton oo culeys weyn uu saarnaa ayaa durbadiiba nolosha ay ku soo laabatay markii uu Demarai Gray birta garaacay laakiin daqiiqadii 14aad goolhaye De Gea ayaa sameeyay qalad weyn oo ay Everton u ogolaaday inay ciyaarta barbareeyaan.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Kubad uu soo dhigay Neal Maupay ayaa ka dhex baxday lugaha De Gea taasoo u sahashay Conor Cody inuu kubada si sahlan shabaqa ugu taabto.

Waa goolkii ugu horeysay ee David de Gea laga dhaliyo tan iyo bishii November isaga ayaana isagu sabab ahaa.

Ka dib goolkaas barbaraha ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad leh iyadoo goolhayaha Everton Jordan Pickford uu sameeyay badbaadino cajiib ah iyadoo lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah.

Daqiiqadii 52aad ayay Manchester United ku soo laabatay hogaanka ciyaarta waxaana ka saaciday xiddigii iyaga barbareeyay Conor Coady oo markaan isaga shabaqa iska soo taabtay.

ADVERTISEMENT

Marucs Rashford ayaa karoos soo dhigay iyadoo Coady uu ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhayihiisa Jordan Pickford.

Daqiiqadii 74aad Everton ayaa mooday inay ciyaarta barbareeyeen markii uu Calvert-Lewin shabaqa soo taabtay laakiin goolka waxaa diiday VAR madaama uu offside ka horeeyay.

Tababare Erik ten Hag oo ka baqayay in kooxdiisa lagu qasbo kulan ku celis ah ayaa difaaciisa adkeeyay isagoo bixiyay ciyaartoyda sida Christian Eriksen, Antony iyo Tyrell Malacia, wuxuuna soo geliyay Lisandro Martinez, Harry Maguire iyo Scott McTominay.

Daqiiqadii 5aad ee lix daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, Garnacho ayaa kubad weerar ah la galay xerada ganaaxa laakiin waxaa jalaafeeyay Godfrey taasoo keentay in Man United loo dhigay rigoore.

Waxaa rigoorada u soo istaagay Marcus Rashford oo gool u sarifay islamarkaana natiijada u xaqiijiyay Manchester United.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Manchester United ku garaacday kooxda Everton.

Share319Tweet200
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.